Home Wararka Caalamka Mareykanka oo Israel ku cadaadinaya in la kordhiyo muddada xabad joojinta

Mareykanka oo Israel ku cadaadinaya in la kordhiyo muddada xabad joojinta

by Laacib

Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay labada cisho ee lagu kordhiyay muddada xabad joojinta ee Marinka Gaza.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, John Kirby ayaa sheegay in kordhinta xabad joojinta ay abuureyso fursad ah in muddo dheer uu heshiisku sii shaqeeyo.

Afhayeenka ayaa Warbaahinta u sheegay in Mareykanka uu rajeynayo in muwaadiniinta Mareykanka ee lagu haysto Gaza ay ka mid noqdaan 20-ka la haysteyaasha ee soo socda ee la filayo in la sii daayo.

Sideed illaa sagaal qof oo muwaadiniinta Mareykanka ah ayaa la rumeysan yahay inay ka mid yihiin dadka lagu haysto Marinka Gaza.

John Kirby ayaa sheegay in shuruudo lagu xiro gargaarka la gaynayo Gaza, sida Israel ay dalbaneyso uu yahay feker mudan, balse Madaxweyne Joe Biden uu aaminsan yahay in qaabkiisa uu shaqeynayo.

“Dabcan waxaan rajeynaynaa inaan aragno xabad joojinta oo sii shaqeynaysa, taasina waxay ku xirnaan doontaa in Xamaas ay sii deyso la haysteyaasha.” Ayuu yiri Kirby.

Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka ayaa bartiisa X ku sheegay “Waxaan si joogto ah u cadaadiyay in la hakiyo dagaalka, si loo dardargeliyo loona ballaariyo gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza iyo fududeynta sii deynta la haysteyaasha.

Waxaan sii wadi doonnaa inaan la xiriiro Madaxda Qatar, Masar iyo Israel, si aan u hubiyo in dhinac kasta uu heshiiska fuliyay.”

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in dhinacyadu ay ku heshiiyeen in laba maalmood lagu kordhiyo xabad joojintii Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc