Home Wararka Maanta Mareykanka oo liiska madow ku daray Saraakiil ka tirsan Al Shabaab

Mareykanka oo liiska madow ku daray Saraakiil ka tirsan Al Shabaab

by Laacib

Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ee Xafiiska Xakameynta Hantida Shisheeye (OFAC) ayaa liiska madow ku daray 26 qof iyo hay’ado xiriir la leh maleeshiyada Al Shabaab, oo ay ku jiraan 15 fududeeyeyaal dhaqaale & howlwadeenno, afar dhuxusha ka ganacsada iyo toddobo shirkadood oo xiriir la leh.

“Tallaabadan ayaa lagu beegsanayaa hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee gobolada, kuwa xiriirka la leh iyo xubnaha kooxda argagixisada ah ee Somaliya, kuwaas oo ku lug leh dhaqdhaqaaqyo ballaaran oo lagu taageerayo Al Shabaab, oo ay ku jiraan fududeynta dhaqaalaha, dhaqdhaqaaqyada ganacsiga, uruurinta dhaqaalaha magaca kooxda argagixisada ah. kororka walxaha qarxa iyo dhuxusha sharci darrada ah ee laga keeno Somaliya, kuwaa oo dhammaantood kaga sii daraya colaadaha iyo dhibaatooyinka deegaanka.” Ayaa lagu yiri bayaan ay maanta soo saartay Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka.

Mareykanka ayaa sidoo kale shan Sarkaal oo Shabaab ka tirsan u aqoonsaday argagixiso caalami ah, kuwaa oo magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Siidow, Cali Yare, Maxamed Daa’uud Gabane, Saleebaan Cabdi Daa’uud iyo Maxamed Cumar Maxamed.

Maxamed Siidow ayaa lagu sheegay inuu yahay amiir maaliyadeed iyo Sarkaal ka tirsan garabka hubeysan ee Jabhadaha Al Shabaab, Cali Yare ayaa isna lagu sheegay Amiir kale oo dhanka maaliyadda ah, kaas oo kormeera howlaha canshuuraha sharci darrada ah Al Shabaab ee deegaanka Baladul Amiin ee Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Daa’uud Gabaane waxaa lagu sheegay inuu yahay ninka Shabaab u qaabilsan uruurinta canshuuraha ee Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose, Saleebaan Cabdi Daauud ayaa lagu sheegay inuu ku magacaaban yahay Gudoomiyaha Al Shabaab u qaabilsan deegaanka Baladul Amiin iyo ninka ugu dambeeya oo ah Maxamed Cumar Maxamed, oo lagu sheegay Gudoomiyaha Al Shabaab ee Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Maxamed Cumar Maxamed ayaa lagu eedeeyay in uu ka masuul ahaa weeraro xiriir ahaa oo lagu bartilmaameedsaday dadka rayidka ah, horeyna uu u soo noqday Madaxa Jabhadaha ee Degmada Berdaale ee Gobolka Baay.

Mareykanka ayaa sidoo kale waxa uu liiska madow ku daray xubno kale oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab iyo hay’ado lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin maleeshiyadaasi. Dadkan waxaa ku jira 15 qof oo lagu eedeeyay inay fududeeyaan dhaqaalaha maleeshiyada, afar ka ganacsada dhuxusha sharci darrada ah iyo toddobo hay’adood oo lagu eedeeyay inay ku xiran yihiin maleeshiyadaasi.

Brian E. Nelson, Kuxigeenka Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka ee Dhinaca Sirdoonka & Arrimaha Argagixisada ayaa xubnaha la beegsaday ku eedeeyay inay sahlayaan ficilada guracan, ee ay maleeshiyadaasi ku waxyeeleynayaan dadka aan waxba galabsan.

“Aqoonsiga maanta ayaa muujinaya ku tiirsanaanta Al Shabaab ee shabakadaha jilayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, kuwaas oo bixiya dhaqaale lagu gaysto weerarada, oo awood u siinaya dhaqdhaqaaqyada xun xun ee kooxda, oo ay ku jiraan diyaarinta iyo aasitaanka qaraxyada lagu dhibaateeyo bulshada iyo kobcinta musuqmaasuqa.” Ayuu yiri Brian E. Nelson.

Nelson ayaa yiri “Mareykanka waxaa ka go’an in uu ka faa’iideysto masuuliyadayada, si aan u taageerno saaxiibadeenna, sida Dowladda Federaalka Somaliya oo dadaal ugu jirto ka hortagga khataraha argagixisada, oo wiiqaya xasiloonida & amniga qaranka iyo gobolkaba.”

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad uu maalmihii ugu dambeysay ku sugnaa Magaalooyinka Washington iyo New York, oo uu kula kulmay Saraakiil ka tirsan Pentagon-ka, CIA-da iyo FBI-da Mareykanka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc