Home Dhacdooyin Mareykanka oo mar kale ku hor kufay caalamka iyo cambaareyn afka loo geliyay

Mareykanka oo mar kale ku hor kufay caalamka iyo cambaareyn afka loo geliyay

by Laacib

Mareykanka ayaa mar kale cambaareyn xoogan kala kulmay dunida, ka dib markii diidmada qaxayan uu ku hor istaagay qaraar ku baaqayay in xubin buuxda oo ka tirsan Qaramada Midoobey la siiyo dalka Falastiin.

Qaraarka ayaa dhabaha u xaarayay in xubin rasmi ah la siiyo dowlad ay leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta oo ku metesha Qaramada Midoobey, taas oo Israel ay si weyn uga hortimid, Mareykankuna uu ku raacay. Mareykanka waa taageeraha militari ee siyaasadeed ee ugu weyn Israel.

Qaraarkan oo ay soo diyaarisay Dowladda Algeria, xalayna la horgeeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa taageeray 12 ka mid ah 15-ka xubnood ee golahaasi uu ka kooban yahay. Dalalka taageeray qaraarkaasi waxaa ka mid ah xulafada dhow ee Mareykanka.

Ingiriiska iyo Switzerland ayaa ka aamusay, halka Mareykanka uu codka Veto ku diiday, waxayna tani mid waxba kama jiraan ah ka dhigeysaa aqlabiyadda.

Aqlabiyadda ayaa ka tarjumeysay, sida caalamka uu u doonayo in shacabka Falastiiniyiinta ay yeeshaan dowlad ka barbar dhalata Israel, balse Mareykanka ayaa ku andacoonaya inaanan taasi weli waqtigeedii la gaarin.

Veto-ga uu Mareykanku adeegsaday ayaa xanibeysa aqoonsiga hay’adda caalamiga ah ee Dowladnimada Falastiin, waxayna khatar ku tahay colaadda muddada dheer ka jirta Bariga Dhexe.

Mowqifka Washington ayaa ah in soo ifbaxa Dowladda Falastiiniyiinta ay ku timaado natiijada wada-xaajoodyada dhammaan dhinacyada nabadeynta ee Bariga Dhexe.

Kuxigeenka Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, Robert Wood ayaa sheegay in diidmadooda codbixintan aysan ka tarjumeynin in Washington ay mucaaradsan tahay Dowladnimada Falastiin, ha yeeshee ay doonayaan wax ay heshiis ku yihiin dhinacyada gobolka.

“Mareykanku wuxuu sii wadi doonnaa inuu si xoogan u taageero xalka laba dowladood oo deris ah.” Ayuu yiri Robert Wood.

Robert Wood ayaa xusay inay doonayaan in marka hore la xaliyo arrinta Gaza, ka dibna ay dunida u jiheysato dhismaha Dowladda Falastiin.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa bogaadisay mowqifka Mareykanka, waxayna qoraal ku sheegtay inaanan wax abaalmarin ah la siin doonin, waxa ay ku sheegtay argagixisada, oo ay uga la jeeddo Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza.

Tallaabada uu Mareykanku ku hor istaagay codsigaasi ayaa keentay cambaareyn xoog leh oo kaga timid dunida, gaar ahaan Bariga Dhexe.

Maamulka Falastiiniyiinta ee fadhigoodu yahay Magaalada Ramallah ayaa go’aanka Mareykanka ku tilmaamay mid caddaalad darro ah iyo wax aan cudurdaar loo heli karin.

Xamaas ayaa iyana si kulul u cambaareysay in Mareykanku uu dunida ka haro, isna hortaago dadaaladii caalamiga ahaa ee lagu raadinayay xubinimada Falastiin ee Qaramada Midoobey.

Dowladda Masar oo go’aanka Mareykanka cambaareysay ayaa sheegtay inay ka xun tahay, sida Golaha Ammaanka uu ugu guuldareystay inay meelmariyaan xubinimo buuxda oo Falastiin ah.

Iran ayaa dhankeeda sheegtay in adeegsiga diidmada qayaxan ee Washington ay ku horjoogsatay xubinimada Falastiin ay tahay masuuliyad darro, marka loo eego xubnaha kale ee Golaha Ammaanka. Mareykanka ayaana ka mid ah 5-ta leh ee leh Veto, kuwaa oo kala ah Ruushka, Shiinaha, Faransiiska, Ingiriiska iyo Mareykanka.

“Ficilka Washington wuxuu daaha ka qaaday dabeecadda qiyaanada leh ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka iyo mowqifkeeda go’doonsan.” Ayuu yiri Nasser Kanaani, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran.

Dowladaha Turkiga, Sacuudiga, Qatar, Pakistan, Malaysia, Indonesia, Ruushka iyo Norway ayaa cambaareeyay inaanu Golaha Ammaanku ansixin xubinimada Falastiin.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa sheegay in fashilka ay dunida ku fashilmatay xalka laba dowladood oo deris ah ay halis ku tahay nolosha boqolaal milyan oo qof oo ku nool Bariga Dhexe.

“Ku guul dareysiga in horumar laga gaaro xalka laba dowladood waxay kordhin doontaa oo keliya is bedel la’aanta iyo khatarta nolosha boqolaal milyan oo qof oo ku nool gobolka, kuwaas oo ku sii jiri doona inay ku hoos noolaadaan khatarta joogtada ah ee rabshadaha.” Ayuu yiri António Guterres.

Falastiiniyiinta ayaa hadda maqaam sharafeed ku leh Qaramada Midoobey, waxaana sanadkii 2012 ogolaaday Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Si Falastiin ay u noqoto xubin buuxda oo leh xuquuq codbixineed waa inay ansixiyaan Golaha Ammaanka, iyadoo 5-ta dal ee Veto leh aanu midkoodna diidin iyo inay taageeraan saddex meelood oo laba meelood Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc