Home Dhacdooyin Mareykanka oo u hanjabay Israel iyo is bedel degdeg ah oo ay sameynayso

Mareykanka oo u hanjabay Israel iyo is bedel degdeg ah oo ay sameynayso

by Laacib

Mareykanka ayaa ugu hanjabay Israel in ay ka bixi doonaan garabkooda, haddii aanay si degdeg ah waxba uga qaban masiibada bani’aadantinimo ee ka dhalatay weerarada ay ka wadaan Marinka Gaza, waana Mareykanka oo doonaya in ay iska dhaqaan fadeexadda ka qabsatay taageeradooda indho la’aanta ah ee Israel iyo sida ay Israel ugu xadgubeyso shuruucda caalamiga ah.

Madaxweyne Joe Biden oo saacadihii dambe ee Khamiistii khadka teleefanka kula hadlay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay inuu hagaajiyo xaaladda bani’aadantinimo ee ka dhalatay duulaankooda Marinka Gaza.

Madaxweynaha ayaa Netanyahu ka dalbaday in maamulkiisu uu qaado tallaabooyin cusub, oo lagu badbaadinayo shacabka Falastiiniyiinta iyo weliba shaqaalaha gargaarka ee isku dayaya inay raashiinka keenaan Gaza.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu Netanyahu u sheegay in sii socoshada taageerada Washington ee Tel Aviv ay ku xiran tahay si degdeg ah oo wax looga qabto xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza, ilaalinta dadka rayidka ah oo shaqaalaha gargaarka ay ku jiraan iyo inay Xamaas la gaaraan heshiis xabad joojin degdeg ah, si maxaabiis is dhaafsi loo sameeyo, lix bilood ka dibna colaadda loo soo afjaro.

La taliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby ayaa sheegay in Madaxweyne Biden uu Hoggaamiyaha Israel u caddeeyay inaanan la aqbali karin dembiyada ka dhacaya Gaza.

“Haddii aysan Israel wax ka bedelin sida ay u waddo dagaalka Gaza uu Mareykanku bedeli doono siyaasaddiisa ku wajahan Israel. Ma ahan wax la aqbali karo duqaymaha loo gaysanayo dadka rayidka ah iyo shaqaalaha gargaarka, ayna tahay in wax laga qabto xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta Gaza.” Ayuu yiri John Kirby.

Dhanka kale Israel ayaa ogolaatay inay furto waddooyin cusub, oo gargaarka bani’aadantinimo laga geliyo dhulka go’doonsan.

Israel ayaa sheegtay in ay fureyso illaa saddex waddo, oo gargaarka uu si macno leh uga geli karo Marinka Gaza.

Israel ayaa waxay xaqiijisay in ay fureyso albaabka Erez ee waqooyiga Gaza iyo Dekedda Ashdod, si uu uga gudbo gargaarka la doonayo in la gaarsiiyo dadka reer Gaza, waana markii ugu horreysay oo ay fureyso albaabka Erez, tan iyo markii uu dagaalku bilowday, lix bilood ka hor.

Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu ayaa sheegay in ay ogolaan doonaan in gargaarka dheeraadka ah ee ka imaanaya Jordan uu Gaza ka soo galo Isgoyska Kerem Shalom.

Kerem Shalom oo ku taala xuduudda Masar, Gaza iyo Israel ayaa ah mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee ay maraan badeecadaha soo gala iyo kuwa ka baxa dhulka Falastiiniyiinta.

John Kirby ayaa soo dhaweeyay is bedelkan ay sameynayso Israel, si looga jawaabo walaaca calaamiga ah ee laga qabo in macluul ay ka dilaacdo Marinka Gaza.

Duulaanka Israel ee Gaza ayaa khilaaf xoog leh ka dhex dhaliyay Mareykanka iyo Israel, oo xiriirkoodu uu gaaray meeshii ugu hooseysay.

Khilaafkoodan oo toddobaadyadii ugu dambeysay soo jiitamayay ayaa toddobaadkan mar kale cirka isku shareeray, ka gadaal weerarkii xagga cirka ee ay Ciidamada Israel Isniintii ku dileen toddobo ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda World Central Kitchen, kaas oo dunida ka dhaliyay carro xoog leh, Mareykankana lagu cambaareeyay taageeradiisa militari ee Israel. Weerarka lagu bartilmaameedsaday shaqaalaha gargaarka ayaana ka dhacay deegaanka Deir al-Balah ee bartamaha Marinka Gaza.

Madaxweyne Biden ayaa la sheegaya in uu ka daalay habdhaqanka khalafsan ee Netanyahu, isla-markaana uu iska horkeenay Mareykanka iyo dunida.

Biden ayaa garowsaday in Israel in la colaadiyo mooyee aanay dabacsanaan waxba ku lahayn, waana sababta uu cadaadiskii ugu weynaa u saaray maamulkaasi ay majaraha u hayaan madaxdii ugu xagjirsaneyd ee hoggaamisa Israel.

Israel ayaa tallaabooyinkan ugu dambeeyay qaaday, xilli ay baqdin weyn ka qabto weeraro aargudasho oo kaga yimaada Iran, ayna fahamsan tahay inaanay ka maarmi karin taageerada xulafadeeda Mareykanka.

Iran ayaa ku hanjabtay in ay qaadi doonto tallaabooyin ay kaga aargudaneyso Israel, ka dib duqayntii ay galabnimadii Isniinta ku burburisay Qunsuliyaddeedii Magaalada Dimishiq ee dalkaasi Suuriya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc