Home Dhacdooyin Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga oo soo saartay amaro ka dhan ah Israel (SAWIRRO)

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga oo soo saartay amaro ka dhan ah Israel (SAWIRRO)

by Laacib

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ayaa soo saartay go’aankeeda horudhaca ah ee dacwaddii ay Koonfur Afrika ka soo gudbisay Israel, ee ah in ay ku xadgudubtay axdiga Qaramada Midoobey ee xasuuqa amaba ilaalinta dadka rayidka ah.

Maxkamadda ayaa dalbatay tallaabooyin degdeg ah oo lagu ilaalinayo shacabka Falastiiniyiinta ee Gaza, inkastoo aysan maxkamaddu Israel ku amrin inay joojiso ololaheeda militari ee Gaza.

Israel ayaa la faray inay xadido waxyeelada ay u gaysaneyso dadka rayidka ah ee ku nool Marinka Gaza.

Maxkamadda ayaa Israel ku amartay in ciidamadeeda ay ka fogaadaan nooc kasta oo xasuuq ah, oo ay ka gaysan karaan dhulka Falastiiniyiinta.

“Dowladda Israel waa inay qaaddaa dhammaan tallaabooyinka ay awooddeeda ku dooneyso inay kaga hortagto fulinta dhammaan ficilada ku jira baaxadda Qodobka II ee heshiiska xasuuqa.” Ayaa lagu yiri go’aanka ku-meel-gaarka ah ee ka soo baxay maxkamadda.

Gudoomiyaha Maxkamadda ICJ, haweeneyda lagu magacaabo Joan Donoghue oo akhrisay go’aanka ayaa tiri “Israel waa in ay ka fogaato fal kasta oo ka dhan ah heshiiska xasuuqa, sidoo kalena waa inay xaqiijiso in ciidamadeeda aysan wax xasuuq ah ka gaysan Gaza.”

Maxkamadda waxay Israel ku amartay inay si degdeg ah u suurtageliso in gargaarka loo baahan yahay la gaarsiiyo dadka rayidka ah, lagana hortaggo, lana ciqaabo kuwa hurinaya xasuuqa iyo colaadda.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay dib u eegis ku sameysay warbixinada Isuduwaha Arrimaha Bani’aadantinimada, Hay’adda Caafimaadka Adduunka iyo Hay’adda Gargaarka & Shaqada Qaramada Midoobey ee Qaxootiga Falastiiniyiinta, kuwaa oo ka hadlayay waxyeelada soo gaartay ku dhawaad laba milyan oo ka mid ah dadka reer Gaza.

Maxkamadda ICJ ayaa ka hortimid codsiga Israel ee ku aaddan inay iska diido qabashada dacwadda Koonfur Afrika, waxayna maxkamaddu sheegtay inay awood u leedahay inay go’aan ka gaarto kiiska.

Go’aanka horudhaca ah ee maxkamadda ayaa lagu sheegay in Koonfur Afrika ay xaq u leedahay in ay Israel kula xisaabtanto ku guuldareysiga inay u hoggaansanaato axdiga mamnuucaya xasuuqa, si waafaqsan axdiga Geneva.

Maxkamaddu ayaan ka hadlin eedeynta ugu weyn ee Koonfur Afrika ee ku saabsan in Israel ay xasuuq ka gaysaneyso Gaza, balse waxay sheegtay in baaritaanka ay weli ku guda jirto.

Go’aanka maxkamadda ayaa lagu soo saaray cod aqlabiyad ah, iyadoo garsoorka maxkamadda uu ka kooban yahay 17 xubnood. Go’aankan ayaa daboolaya inta badan waxa Koonfur Afrika ay dalbatay, marka laga soo taggo codsigeedii ahaa in maxkamaddu ay Israel ku amarto inay soo afjarto duulaanka ay ku hayso dadka reer Gaza.

Joan Donoghue, Gudoomiyaha Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ayaa Ururka Xamaas ku boorisay in ay sii daayaan dhammaanba la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu soo afduubay weerarkii 7-dii October ay xoogagooda ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho.

Israel ayaa loo sheegay in muddo bil ah ay ku soo wargeliso maxkamadda, waxa ay sameynayso, si ay u dhawrta amarka, hase yeeshee Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa qaadacay awaamiirta gorsooreyaasha.

Dhanka kale Wasiirka Xiriirka Caalamiga & Iskaashiga Koonfur Afrika, Naledi Pandor ayaa guul la taaban karo ku tilmaamtay go’aanka horudhaca ah ee ka soo baxay maxkamadda.

“Waa guul la taaban karo oo u soo hooyatay sharciga caalamiga ah. Waxaa muhiim ah in dowladaha ay gutaan masuuliyadda ka saaran ilaalinta muwaadiniinta caalamka.” Ayay tiri Naledi Pandor.

Naledi Pandor ayaa tiri “Koonfur Afrika waxay lahayd aragti ah inaanan la iska fariisan karin.”

Go’aanada ay gaarto maxkamadda ayaan wax rafcaan ah lahayn.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc