Home Dhacdooyin Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukuntay ajaaniibtii ay dacwadoodu ka socotay Muqdisho

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukuntay ajaaniibtii ay dacwadoodu ka socotay Muqdisho

by Laacib

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun adag garka u gelisay 36-kii nin ee ajaaniibta ahaa, ee lagu soo eedeeyay inay si sharci darro ah kaga kalluumeysanayeen xeebaha dalka.

Raggan oo u kala dhashay dalalka Pakistan iyo Iran ayaa tan iyo bishii Apri ku xirnaa xabsi ku yaala Magaalada Muqdisho, ka dib markii Ciidanka Ilaalada Badda ay gacanta ku soo dhigeen, iyagoo ka kalluumeysanaya aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Somaliya. Ciidamada ayaa xilligaasi la soo qabtay laba doomood oo ay wateen iyo 24 tan oo kalluun ah.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ragaasi ku soo eedeeyay inay si sharci darro ah kaga kalluumeysanayeen xeebaha dalka, iyadoona uu kiiskooda ku wareejiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud, Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mid kasta ku xukumay inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 11 kun oo dollarka Mareykanka ah iyo inay si wadajir ah u bixiyaan magdhow gaaraya 30 kun oo dollar, oo ah kalluunkii sharci darrada ahaa ee ay xeebaha dalka ka jilaabteen.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in maxkamaddu ay la wareegtay doomihii & kalluunkii raggaasi lagu soo qabtay iyo weliba qalabkii ay wax ku kalluumeysanayeen.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xukunasaneyaasha ay haystaan 30-ka cisho ee sharcigu ogolyahay in ay rafcaan kaga qaadan karaan xukunkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc