Home Wararka Caalamka Midowga Yurub oo ku biiray hawlgalka lagu la dagaalamayo weerarada Xuuthiyiinta

Midowga Yurub oo ku biiray hawlgalka lagu la dagaalamayo weerarada Xuuthiyiinta

by Laacib

Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ayaa hawlgal ka bilaabay Badda Cas, si looga hortaggo weerarada ka imaanaya Xuuthiyiinta Yemen ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan kuwooda laga leeyahay Mareykanka, Ingiriiska iyo Israel.

Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ayaa kaabi doona isbahaysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ee duqaymaha ka wada bartilmaameedyada ay Xoogaga Xuuthiyiinta ku leeyihiin dalkaasi.

Madaxa Guddiga Yurub, haweeneyda lagu magacaabo Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in ciidamadooda ay gacan ka gaysan doonaan dadaalada lagu xaqiijinayo badqabka shixnadaha maraakiibta ee Badda Cas.

“Yurub waxay xaqiijin doontaa xoriyadda socodka ee Badda Cas, iyadoo ka garab shaqeynaysa saaxiibadayada caalamiga ah.” Ayay tiri Ursula von der Leyen.

Ursula von der Leyen ayaa tiri “Joogitaanka Yurub ee Badda Cas waa tallaabo loo qaaday ilaalinta danaha Yurub.”

Hawlgalkan oo loogu magac-daray (Aspides) ayaa lagu sheegay mid lagu hakinayo weerarada gantaalaha iyo drones-ka is qarxiya ay Xuuthiyiintu ka wadaan Badda Cas.

Hawlgalka ayaa waxaa ka qayb qaadanaya maraakiibta dagaalka ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub, kuwaa oo sidoo kale hawlgalkooda ku ballaarin doona Gacanta Cadmeed iyo biyaha ku xeeran.

Illaa iyo hadda dalalka ciidamadooda iyo maraakiibtooda ku biiriyay hawlgalka ayaa kala ah Jarmalka, Talyaaniga, Faransiiska iyo Belgium.

Hawlgalka Aspides ayuu fadhigiisu noqon doonnaa magaalada dalka Giriiga ku taala ee Larissa.

Sarkaal ka tirsan Midowga Yurub ayaa Wakaaladda Wararka Jarmalka ee DPA u sheegay in Xuuthiyiinta aan loo ogolaan doonin inay si bareer ah u beegsadaan maraakiibta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Antonio Tajani ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid loo qaaday difaaca guud ee Yurub, sida uu yiri.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska oo 12-kii bishii January dalka Yemen ka bilaabay duqaymo ka dhan ah Xuuthiyiinta ayaan illaa iyo hadda joojin weeraradooda Badda Cas, balse ay xaaladda uun uga sii darayn.

Weerarada Xuutiyiinta ee Badda Cas ayaa hakad ku keenay isu socodka qayb ka mid ah ganacsiga muhiim ah ee u dhaxeeya Yurub, Bariga Dhexe iyo Aasiya, waxaana jira walaac caalami ah oo laga muujinayo xaalad kale oo sicir barar ah oo ku soo kororta dunida, ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine oo cawaaqib dhaqaale laga dhaxlay.

Gantalaaha Xuuthiyiinta ee aan sida saxda ah loo garanayn halka ay ka soo dhacayaan, liishaankooduna uu ku jiheysan yahay Badda Cas ayay khubarada amniga ku sheegeen mid gobolka ka abuurtay khatar aan horey loo arag.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al-Houthi ayaa sheegay in joojinta weeraradooda maraakiibta ay ku xiran tahay keliya Israel oo soo afjarto weeraradeeda cadowtinimada ah ee ay ka waddo sida uu yiri Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc