Ninkan ayaa sida la sheegay qudbo-siro ku qabay gabadhaasi oo magaceeda lagu soo koobay Farxiya. Guurka qudbo-sirada waa mid aanay waxba ka ogeyn qoyska iyo ehelada gabadha la guursaday.
Wararka ayaa sheegaya in Cabdishakuur Daahir Mire uu ka carooday qoyska gabadha oo nin kale ku mehriyay. Sida la sheegay barraha bulshada ayuu ku arkay dhambaalka hambalyada ee meherkeeda, warkaas oo aan noqon mid farxad geliya.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Cabdishakuur Daahir uu saakay hoygii uu ka deganaa xaafadda Nuur Xawaad ee Magaalada Beledweyne ku balamiyay gabadhaasi, ka dibna uu rasaas madaxa kaga dhuftay.
Ciidamaa amniga ayaa mar dambe gaaray goobta uu falku ka dhacay, iyagoona meydka gabadha u qaaday Xarunta Hay’adda Dembi Baarista ee CID, si halkaasi baaritaan loogu sameeyo meydka, ka hor inta aan xubnaha qoyska loo ogolaan inay aastaan.
Cabdishakuur Daahir ayaa dilka ka dib ka baxsaday goobtaasi, iyadoona hay’adaha ammaanku ay ku daba joogaan.
Saraakiisha Booliska ee Saldhigga Beledweyne ayaa Warbaahinta u sheegay in ay ciidamadu dadaal ugu jiraan, sidii ninkaasi loo horkeeni lahaa sharciga.
Dhacdadan ayaa noqotay mid ay si weyn u hadalhayaan bulshada ku dhaqan Magaalada Beledweyne.