Home Wararka Maanta Puntland oo soo bandhigtay xubno ka tirsan Daacish (SAWIRRO)

Puntland oo soo bandhigtay xubno ka tirsan Daacish (SAWIRRO)

by Laacib

Saraakiisha Booliska Puntland ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii bandhigay saddex nin oo sida la sheegay ka tirsan maleeshiyada Daacishta Somaliya.

Saraakiisha ayaa raggan ku soo bandhigay Xarunta Taliska Qaybta Booliska Gobolka Bari ee Magaalada Boosaaso, waxayna sheegeen in ay is iskood ah isugu soo dhiibeen laamaha amniga.

Raggan oo midi uu ajnabi yahay ayaa lagu kala magacaaba Cali Yuusuf Cali, Maxamuud Macalin Maxamed iyo Muhanad Cabdullaahi Cabdiraxiin oo u dhashay dalka Suudaan.

Cali Yuusuf Cali ayaa Warbaahinta u sheegay in lagu khalday ka mid noqoshada maleeshiyada Daacish, isagoo shaqo-doon ah, dibse uu ka ogaaday in waddo halis ah uu ku sugan yahay, in muddo ahna uu qorsheynayay sidii uu uga soo bixi lahaa.

Maxamuud Macalin Maxamed ayaa isna sheegay in muddo lix bilood ah uu ka tirsanaa maleeshiyadaasi, isagoona yiri “Waxaan isu soo dhiiby inaysan meesha oolin caqiiddo sax ah oo dadka ayaa la iska dilayaa, sababta aan ugu biiray waxay tahay in ayaga la jooga ayaa i khalday oo igu yiri meeshaas baan ka shaqeeyaa, shaqo fiicanaa ku jiraa anigoo Muqdisho iska joogo, sababtaas baan u imid meesha.”

Muhanad Cabdullaahi Cabdiraxiin oo Suudaani ah ayaa sheegay in muddo kooban uu ka tirsanaa Daacish, haatana uu codsanayo in cafis loo fidiyo.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari, Korneyl Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa sheegay in ay isu soo dhiibeen 12 nin oo sida uu sheegay ay hadda gacanta ku hayaan, kuwaa oo lix ka mida uu ku sheegay inay Soomaali yihiin, halka lixda kalena ay ajaaniib yihiin. Afar ka mida ajaaniibtaasi ayuu sheegay inay u dhasheen dalka Itoobiya, labada kalen ay Suudaan u dhasheen.

Taliyaha ayaa tibaaxay inay si wanaagsan ula dhaqmeen xubnaha ay ku hayaan Magaalada Boosaaso, kuwaa oo sida uu sheegay dareemaya in lagu khalday ka mid noqoshada kooxaha argagixisada.

Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa dadka uga digay inaanay ku kadsoomin shaqooyinka loo hoos gelinayo, isla-markaana ay hubsadaan cidda shaqada siineysa.

“Waxaan rabnaa marka nimankaas inaan bulshada la wadaagno, ugana digno markaan wareysanay qaababka ay u soo galeen iyo siyaabaha ay ugu biirayaan. Dadkaas boqolkiiba sagaashan (90%) marka si dhab ah loo baaro waa dad lagu tashkiiliyay shaqooyin iyo waxyaabo la mid ah ee aan boqolkiiba boqol (100%) fekerkoodu uusan ka iman inay meeshaas joogaan, sidaad ka garaneysaan sida ay u soo cararayaan. Marka dadka waxaanu leenahay qofka shaqada idin kaxeynaya ama beeraha idinkaga dhigaya in dhammaan qof walba uu ka feejignaado, shaqo uusan ogeyna uusan aadin.” Ayuu yiri Taliyaha.

Korneyl Cabdiqaadir Jaamac Dirir, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari ayaa ganacsatada ugu yeeray inaanay la macaamilin kooxaha argagixisada, isla-markaana ay joojiyaan dhaqaalaha ay siiyaan kooxahaasi ee loo adeegsanayo daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa ku goodiyay inay il gooniya ku eegi doonaan ganacsatada dhaqaalaha siiya argagixisada, cid kasta oo lagu helana ay sharciga la tiigsan doonaan.

“Qofka in hantidiisa lagu dhibaateeyo ummadda, sax ma ahan.” Ayuu yiri Korneyl Dirir.

Daacishta Somaliya oo saldhigoodu ugu weyn ku leh Buuraha Gobolka Bari ayaa dagaal kula jira Dowlad Goboleedka Puntland, iyagoona dhaqaalaha ugu badan ka hela ganacsatada Boosaaso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc