Home Dhacdooyin Raggii dilay dhakhtarka iyo macalinka oo lagu toogtay Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Raggii dilay dhakhtarka iyo macalinka oo lagu toogtay Dhuusamareeb (SAWIRRO)

by Laacib

Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo dhallinyaro ahaa, kuwaa oo lagu helay inay dileen laba nin oo wada dhashay.

Raggan ayaa lagu helay in 10-kii bishii December ay labadaasi nin ku dileen deegaanka Ilix oo qiyaastii 40km dhanka bari uga beegan Degmada Guriceel.

Labada nin ee ay dileen oo midkood uu dhakhtar ahaa, kan kalena uu Macalin Dugsi Quraan ahaa ayaa lagu kala magacaabi jiray Dr. Axmed Xasan Cismaan iyo Macalin Liibaan Xasan Cismaan.

Dr. Axmed Xasan ayaa ka hawlgalayay Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, balse uu weerarka la kulmay, xilli uu booqasho u yimid deegaankii uu ka soo jeeday, waxaana labadaba la dilay xilli habeen bar ah oo hoygoodii ay hurdeen.

Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa saddexda nin ee la toogtay 24-kii bishii February ku xukuntay xukun dil toogasho ah, oo ah qiyaasta labadii nin ee ay dileen.

Saddexdan nin oo maanta lagu toogtay fagaare ku yaala Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu kala magacaabi jiray Shuceyb Maxamed Faarax, Bile Cabdullaahi Xasan iyo Nuur Cabdi Maxamed.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug, Cabdicasiis Nuur Xuseen oo qisaasta ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukunkii dilka ahaa lagu fuliyay gacan ku dhiigleyaasha.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 6-da bisha June 2024 waxaa lagu fuliyay dilkii qiyaasta ahaa.” Ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug.

Dilka ay gaysteen ragga la toogtay ayaa qayb ka ahaa dilalka aanooyinka beelaha, oo muddooyinkii ugu dambeysay ku soo badanayay Gobolka Galgaduud.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc