Home Wararka Caalamka Ramadanka oo u soo galay dadka Gaza, iyadoo ay xabadda ku socoto

Ramadanka oo u soo galay dadka Gaza, iyadoo ay xabadda ku socoto

by Laacib

Shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza ayaa Isniintii bilaabay inay soomaan bisha barakaysan ee Ramadan, iyadoo dadaaladii wada hadalada xabad joojinta ay guuldareysteen.

Dadka rayidka ah kuma faraxsana colaadda bishii lixaad ka sii socoto Marinka Gaza, maadaama ay yihiin kuwa ugu badan ee ay waxyeelada ka soo gaareyso weerarada cirka iyo dhulka ee Ciidamada Israel.

Wakaaladda Wararka AP ayaa sheegtay in gaajada ka jirta dhulka go’doonsan ay ka sii dareyso, xilli 5 bilood oo xiriir ah ay dagaalamayeen Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xamaas.

Dowladaha Mareykanka, Qatar iyo Masar ayaa rajeynaya in dhinacyada ay mar kale miiska wada hadalka ku soo laabtaan, si loo gaaro wax uun heshiis ah.

Mareykanka ayaa ka shaqeynaya in Xamaas iyo Israel ay gaaraan heshiis horseedi kara in muddo lix isbuuc ah la joojiyo colaadda Gaza, oo ay ku jiraan sii deynta daraasiin la haysteyaasha Israel ah & qaar badan oo ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyada Israel iyo in xaddi badan oo gargaar ah uu galo Gaza.

Xamaas ayaa dalbatay in heshiiska xabad joojinta uu noqdo mid waara, si dadku ugu laabtaan guryahooda, dibna ay u dhistaan, balse Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa diiday dalabkaasi.

Illaa iyo inta ay dhinacyada isaga soo dhawaanayaan qodobada la isku diidan yahay, Mareykanka iyo saaxiibadiisa gobolka, sida Jordan iyo Masar ayaa isku dayi doona inay sii wadaan gargaarka dhiig joojinta ah ee ay xagga hawada uga daadinayaan dadka rayidka ah, si looga hortaggo macluusha ay Qaramada Midoobey sheegtay in dadku ay halis ugu jiraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc