Home Wararka Maanta Rasaas xoogan oo laga maqlayo Hotel SYL iyo weerarka oo aan weli la soo afjarin

Rasaas xoogan oo laga maqlayo Hotel SYL iyo weerarka oo aan weli la soo afjarin

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weli uu iska horimaad ka socdo Hotelka SYL, oo ay ka dhex dagaalamayaan xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Iska horimaadka ayaa tan iyo abaare 10-kii caweysnimo ee xalay ka socdo hotelka, markaas oo dableyda Al Shabaab ka tirsan ay hotelka soo weerareen.

Hotelka ayaa waxaa laga maqlaya rasaas xoogan, iyadoo mararka qaarkoodna Shabaabka ka dhex dagaalamaya ay adeegsanayaan bambaanooyinka nooca gacanta laga tuuro, taas oo loo fasirtay mid ay isaga caabinayaan culeyska ka soo wajahaya dhanka ciidamada.

Ciidamada ayaa isku dayaya, sidii ay u soo afjari lahaayeen raggaasi oo tiradooda lagu sheegayo illaa dhowr nin.

Boqolaal ka tirsan Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ayaa lagu arkaya waddooyinka soo gala hotelkaasi oo la soo sheegayo in ciidamadu ay xireen.

Ciidamada ayaa aad u xadiday dhaqdhaqaaqii halkaasi ka jiray, suurtagalna uma ahan in gurmad dibadda ah ay helaan Shabaabka ka dhex dagaalamaya hotelkan.

Hotelka uu weerarka ka socdo oo ku yaala xeendaabka Villa Somali ayaa ka mid ah hoteelada ugu muhiimsan ee caasimadda.

Hotelkan ayaa waxa uu hoy u ahaa Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana inta badan xilliyada habeenkii fariista masuuliyiin ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka, Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo weliba dad qurbajoog ah, kuwaa oo halkaasi waqti ku qaata.

Weerarku waxa uu ka dambeeyay, ka dib markii nin la socday gaari lagu soo raray walxaha qarxa uu isku qarxiyay bannaanka hore ee hotelkaasi, waxaana daqiiqado ka dib gudaha u galay rag lugeynaya oo ku hubeysnaa qoryaha daran-dooriga u dhaca.

Weerarkan ayaa gaystay khasaare naf iyo maalba leh, inkastoo aan macluumaad sax ah laga hayn, inta uu khasaaruhu le’egyahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc