Home Wararka Caalamka Raysal Wasaaraha Israel oo wacad ku maray in hawlgal dhinaca dhulka ah ka sameynayaan Rafah

Raysal Wasaaraha Israel oo wacad ku maray in hawlgal dhinaca dhulka ah ka sameynayaan Rafah

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray in Israel ay ballaarin doonto duulaankeeda Gaza, ayna ciidamadeeda hawlgalka dhinaca dhulka ah ka bilaabi doonaan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa meesha ka saaray mucaaradada uu kala kulmay hoggaamiyeyaasha caalamka, oo horaan ka soo horjeestay duulaanka Rafah.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay inuusan dooneyn inuu ka tago afar meelood oo meel dhulka ay ku sugan yihiin sida uu yiri argagixisada Xamaas.

Netanyahu oo wareysi siiyay Fox News ayaa sheegay in ay doonayaan in la burburiyo Ururka Xamaas, haddii kalena ay awoodi doonaan inay dib iska soo abaabulaan, mar kalena ay maamulaan Gaza.

Rafah oo ay ku barakaceen dad lagu qiyaasay 1.4 milyan oo qof ayaa gabaad ka dhigtay deegaankaasi, si ay uga baxsadaan duqaymaha joogtada ah ee Ciidamada Israel ka wadaan Marinka Gaza, iyadoo duniduna ay walaac xoogan ka muujisay duulaanka Rafah.

Qaramada Midoobey ayaa ka digtay, haddii aanay Israel ka laaban qorshaha ay ku weerareyso cirifka koonfureed ee Marinka Gaza ay xaaladda bani’aadantinimo ee dadka rayidka ah noqon doonto masiibo ka baxsan qiyaasaha bani’aadanka.

Benny Gantz oo ka mid ah Golaha Wasiirada Israel ee dagaalka ayaa bishii February ku hanjabay in duulaanka Rafah uu bilaaban doono bilowga bisha barakaysan ee Ramadan, haddii Xamaas aysan ka hor Ramadanka sii deynin la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza.

Rafah oo ku taala xadka Gaza iyo Masar ayaa ah meeshii ugu dambeysay ee ay ku barakaceen inta badan dadka reer Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc