Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo booqday Degmada Heliwaa (SAWIRRO)

Raysal Wasaare Barre oo booqday Degmada Heliwaa (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa gelinkii dambe ee maanta booqday Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Raysal Wasaaraha ayaa halkaasi kaga qaybgalay kulan dadweyne oo lagu xoojinayo wada shaqeynta shacabka iyo laamaha amniga.

Raysal Wasaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah siisay ammaanka Magaalada Muqdisho, taasina ay tusaale u tahay in maanta Degmada Heliwaa lagu qabto kulan lagu wacyigelinayo bulshada iyo wada shaqeyntooda hay’adaha ammaanka, oo muddo ka hor aanay suurtagal ahayn, sida uu yiri.

Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo dadweynaha caasimadda ay wax weyn ka bedeshay amniga magaalada, isla-markaana hadda degmo kasta lagu tagi karo si nabadgelyo leh, tani oo qayb ka ah sida uu sheegay isku xirnaanta shacabka iyo laamaha ammaanka.

Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaaraha Xukuumadda ayaa dadka reer Heliwaa uga mahadceliyay wada shaqeynta iyo u dhego nuglaantooda ku aaddan awaamiirta laamaha amniga.

Raysal Wasaaraha ayaa degmooyinka kalena ugu baaqay inay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha ammaanka, si magaalada looga ciribtiro haraadiga Shabaabka ku dhuumaaleysanaya sida uu yiri guryaha.

Raysal Wasaare Barre waxaa booqashadan ku wehlinayay xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Macalin Fiqi iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc