Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo xarigga ka jaray Waddada Taleex (SAWIRRO)

Raysal Wasaare Barre oo xarigga ka jaray Waddada Taleex (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xarigga ka jaray Waddada Taleex ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dayactir ku sameeyay waddadaasi, oo ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee Magaalada Muqdisho.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka halbowlaha ah ay kor u qaadayaan nabadda, ganacsiga iyo horumarka kala duwan ee caasimadda, waxa uuna ku bogaadiyay Maamulka Gobolka Banaadir, sida ay uga go’an tahay soo nooleynta bilicdii iyo horumarkii ay Muqdisho ku suntanayd.

Raysal Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool caasimadda in ay ilaaliyaan nadaafadda waddooyinka, isla-markaana ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka Gobalka Banaadir, oo gacanta ku haya dib-u-dhiska jidadka magaalada.

Maamulka ayaa waddadan ku dhisay barnaamijka hal dollar ku dhiso dalkaga, oo horaan laga hirgeliyay magaalada, waana qorshe ay bulshada kaga qayb qaadanayaan dib-u-dhiska Muqdisho.

Raysal Wasaare Barre ayaa waxaa xarig jarka ku wehlinayay masuuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc