Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Netanyahu “Waan dili doonnaa Yahya Sinwar”

Raysal Wasaare Netanyahu “Waan dili doonnaa Yahya Sinwar”

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa mar kale ku hanjabay inay sii wadi doonaan duulaanka ay ku hayaan Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha ayaa ku celiyay in Israel aanay ka laaban doonin in hawlgal dhinaca dhulka ah ay ciidamadeeda ka bilaabaan deegaanka Rafah ee koonfurta Gaza, halkaas oo ay gabaadsanayaan qiyaastii 1.4 milyan oo qof oo laga soo barakaciyay guryahooda.

“Waxaan geli doonnaa Rafah, waxaana gaaraynaa guul weyn.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo ku adkeysanaya inay hawlgalkooda ku ballaarin doonaan jiidda koonfureed ee Gaza.

Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel oo Axaddii munaasabadda Purim kala qaybgalay Ciidanka Ilaalada Xuduudda Israel ayaa wacad ku maray inay beegsan doonaan Yahya Sinwar, oo Ururka Xamaas ugu magacaaban Gudoomiyaha Marinka Gaza.

“Waan u midoobi doonnaa, waana la dagaalami doonnaa, waana ka guuleysan doonnaa, si la mid ah, sidii aan yeelnay waqtiyadii hore.” Ayuu yiri Netanyahu.

“Waan dili doonnaa Yahya Sinwar.” Ayuu yiri Netanyahu oo intaasi ku daray “Sharta lagama adkaan karo, marka loo daayo qaabkeeda. Kama adkaan karno Xamaas, haddii aanan weerarin Rafah.”

Hadalkiisan ayaa imaanaya saacado uun ka dib, markii Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka, Kamala Harris ay sheegtay in khalad weyn ay noqon doonto, haddii Ciidamada Israel ay guluf militari ku qaadaan dhulka isku raranka ah ee ay ku nool yihiin inta badan dadka reer Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc