Home Wararka Maanta Sarkaal muhiim u ahaa Hay’adda NISA oo lagu dilay Magaalada Marka

Sarkaal muhiim u ahaa Hay’adda NISA oo lagu dilay Magaalada Marka

by Laacib

Sarkaalkan oo Hay’adda Nabad Sugidda u qaabilsanaa amniga deegaanada ku teedsan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ayaa xalay lagu dilay qarax ka dhacay magaaladaasi.

Qaraxa ayaa ahaa mid loogu soo xiray gaarigiisii, iyadoona uu kula qarxay xilli uu marayay xaafadda Horseed ee magaaladaaasi, markaas oo uu ku sii jeeday deegaanka Buufow oo hoostagga Marka.

Xasan Cismaan Cali (Biitooni) ayaa si joogto ah kormeer ugu samayn jiray deegaanada ku xeeran Magaalada Marka, isagoona si dhow ula socon jiray cid kasta oo deegaanadaasi ku soo kororta.

Sidoo kale waxaa lagu xusuustaa inuu kala furfuri jiray miinooyinka ay maleeshiyada Al Shabaab ku aasaan, min Marka, Janaale illaa Ceelwareegow.

Xoghayaha Dowladda Hoose ee Marka, Maxamed Cismaan Cali (Yariisow) ayaa sheegay in Sarkaalka la dilay uu ahaa walaalkii isaga ka yar.

Xoghayaha ayaa dilka walaalkii ku eedeeyay mintidiinta Al Shabaab, kaas oo ahaa ninka ay ka joogi waayeen Marka iyo deegaanada ku dhow dhow.

“Cadowga lala dagaalamayo ee Shabaab nin horjoogsaday oo meel ay ka mari waayeen, ay ka harsan waayeen, kana neefsan waayeen ayuu ahaa. Allaha u naxariisto.” Ayuu yiri Xoghaye Yariisow

Yariisow ayaa intaa ku daray “Wuxuu ahaa Taliye Urur NISA ka tirsan, ciidamo badan ayuu hormuud u ahaa. Nin aad iyo aad u dadaal badan oo dowladnimada jecel, nabadda shacabkiisana jecel ayuu ahaa.”

Hay’adaha amniga ee ka hawlgala Magaalada Marka ayaa wada baaritaano ku aaddan, ciddii ka dambeysay in qaraxaasi lagu soo xiro gaarigii uu la socday Xasan Biitooni.

Shabaabka ayaa caan ku ah kolka gacantoodu ay gaari weydo cidda ay bartilmaameedsanayaan inay shakhsiyaadka ku dhow ku cadaadiyaan in qaraxyada dhejiska ay ugu soo xiraan gaadiidkooda, taas oo ay u arkaan waddada keliya ee ay isaga hor wareejin karaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc