Home Wararka Maanta SAWIRRO: Dagaal qaraar oo ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni

SAWIRRO: Dagaal qaraar oo ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni

by Laacib

Faah faahin ayaa ka soo baxeysa weerar culus oo maleeshiyada Al Shabaab ay saakay ku qaadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ee saldhigga ku leh deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabku ay dhowr jiho ka weerareen xeradaasi, isla-markaana uu halkaasi ka dhacay dagaal faraha looga gubtay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabka weeraray xeradaasi ay qaarkood ka soo gudbeen dhinaca Webiga Jubba, isla-markaana ay yihiin kuwo culeyska ugu weyn soo saaray xeradaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabku ay saacad ka dib u suurtagashay inay si buuxdo ula wareegaan gacan ku haynta xeradaasi, balse gurmad xoog leh oo ciidamadu ka heleen dhinaca Magaalada Kismaayo ay sahashay in dib looga saaro Shabaabkii qabsaday.

Saraakiisha Ciidamada ayaa markii dambe deegaanka ku soo bandhigay meydadka toddobo xubnood, oo ay sheegeen in Shabaabku ay ka carareen.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, General Ismaaciil Saxardiid Keydsane oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sidoo kale ay gacanta ku hayaan maxaabiis nool.

“Saakay waxaa halkan ka dhacay dagaal xoogan, waxaana lagu dilay 27 nin oo Khawaarij ah, oo halkan ay taalo toddobo meydkooda, intii kalena ay hawdka ku kala jiraan oo dhammaan ay ku jiraan meelo laga soo saari waayay, waxaana jira maxaabiis nolol looga qabtay.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaasi ku daray in Shabaabku ay weerarkan kala kulmeen jab aanay ilaabi doonin.

Taliyaha Guutada 11aad ee Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamed Cabdi Cali ayaa isna bogaadiyay dagaalka adag ee ay ciidamadu kala hortaggeen maleeshiyadaasi.

Shabaabka ayaa saddex toddobaad ka hor sidaan oo kale u weeraray xeradaasi, markaas oo ay ku dileen askar iyo saraakiil uu ka mid ahaa Yaasir Sheekh Maxamed Xasan (Birkaan), oo ahaa Taliyihii haystay ciidanka halkaasi degan.

Baar Sanguuni oo qiyaastii 50km dhinaca waqooyi uga beegan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa bishii hore ee March dib ula wareegay Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.

Ciidamada ayaa deegaankan soo banneeyay daba-yaaqadii sanadkii hore, markaas oo gobolka ay fatahaado xoogan ku dhufteen, inkastoo horaantii bishii March ay dagaal xoogan dib ugu la wareegeen.

Baar Sanguuni waa xerada ku taala Jubbooyinka ee ay Shabaabku ka gaystaan weeraradooda ugu badan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc