Home Wararka Maanta Shabaab oo weeraray Degmada Qoryooley

Shabaab oo weeraray Degmada Qoryooley

by Laacib

Xaaladda Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa saaka degan, ka dib weerar xoogan oo maleeshiyada Al Shabaab ay xalay ku soo qaadeen degmadaasi.

Maleeshiyada Shabaabka oo watay dhowr xabo oo gaadiidka caasiga ah ayaa xoog kaga soo gudbay mid ka mid ah kontoroolada laga ilaaliyo amniga degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo dadka deegaanka ee la abaabulay ay dagaal kala hortaggeen Shabaabkii gudaha u soo galay degmadaasi.

Dagaal fool ka fool ah oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaa labada dhinac ku dhex maray xaafadaha qaarkood.

Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS oo saldhig ku leh degmadaasi ayaa madaafiic ku garaacay aaggagii ay ka dagaalamayeen Shabaabka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay u suurtagashay inay degmada dib uga saaraan Shabaabkii soo weeraray.

Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Degmada Qoryooley ayaan weli ka hadlin weerarkaasi iyo khasaaraha uu gaystay.

Weerarkan ayaa imaanaya, xilli maalmihii la soo dhaafay ay Qoryooley ka taagneyd xiisad u dhaxeysa maleeshiyo deegaanka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc