Home Wararka Maanta Shariif Sheekh Axmed oo waan-waan ka dhex bilaabay beelaha ku dagaalamaya Gobolka Sh/dhexe

Shariif Sheekh Axmed oo waan-waan ka dhex bilaabay beelaha ku dagaalamaya Gobolka Sh/dhexe

by Laacib

Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku guuleystay in ay xabad joojin kala dhex dhigaan laba beelood oo maalmihii ugu dambeysay ku dagaalamayay Gobolka Shabellaha Dhexe.

Beelahan ayaa ku dagaalamayay inta u dhaxeyso Degmooyinka Raaga Ceelle iyo Cadale ee gobolkaasi, oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Wafdiga Madaxweynihi hore ee Somaliya oo ay qayb ka yihiin Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Hirshabelle ayaa xalay la kulmay odayaasha iyo waxgaradka ee Degmada Raaga Ceelle iyo deegaanada hoostagga.

Shariif Sheekh Axmed oo kulanka ka hadlayay ayaa bogaadiyay in dhinacyada ay ka aqbalaan dadaaladii lagu doonayay in mar hore la isla qaato heshiis xabad joojin ah, si loo joojiyo dhiigga halkaasi ku daadanaya.

“Dhiigu waa dhiig walaal, waa dhiig Muslim, maantana baahi looma qabo dhiig inuu daato, inta naga dhacdaa ceeb iyo culeys noogu filan. Dadkan hadda yimid runtii waxa ugu muhiimsan ay u yimaadeen waa intaan.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu sheegay in xabad joojinta ka dib ay kala qaadi doonaan labada ciidan ee is horfadhiya, ka dibna ay guda geli doonaan gogol dib-u-heshiisiineed.

“Annagoo og oo Wasiirada ay na soo gaarsiiyeen tabashooyinkiina, haddana meeshii wax ka bilaaban jireen meel aan ahayn, wax lagama bilaabi karo, waxa aad tabaneysiina waxaan diyaar u nahay inaan qaadno hirgelintooda, dadaal badan ku bixino, Ilaahay (SWT) aan la kaashano, annagoo dhana is kaashano, si ay u hirgalaan.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo ka mid ah Duubabka Dhaqanka ee gobolka ayaa sheegay in loo baahan yahay in si dhab ah loo wada eego halka ay dhibaatadu ka jirto, si looga hortaggo dagaal dambe oo beelaha dhex mara.

Wafdiga Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa in ay gaaraan deegaano hor leh, si ay u xoojiyaan baaqooda nabadeed, dadkuna ay u wada qaataan.

Dagaalada u dhaxeeya maleeshiyada qaab beeleedka u abaabulan ayaa in muddo ahba ku soo noqnoqday gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc