Home Wararka Maanta Shirka Dhaqaalaha Somaliya oo ka furmay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Shirka Dhaqaalaha Somaliya oo ka furmay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Shirka oo maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay fursadaha ganacsi ee la xiriira wax soosaarka dalka ee dhinacyada beeraha, kalluumeysiga, warshadaha iyo tamarta.

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre oo shirkaasi furay ayaa sheegay in ganacsiyada gaarka loo leeyahay ay muhiim u yihiin kobaca dhaqaalaha dalka, isaga oo si gaar ah u tilmaamay baahida loo qabo in la soo saaro, lana suuqgeeyo khayraadka dihan ee Somaliya.

Raysal Wasaaraha oo ka hadlayay, sida lagu gaari karo himilooyinka ku qotoma horumarinta dhaqaalaha ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saareyso abuuridda jewi ku dhisan iskaashi ganacsi, si loo soo jiito maalgelin caalami.

Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in suuqa Somaliya uu u furan yahay cid kasta oo daneynaysa maalgashiga ilaha dhaqaalaha dalka, isla-markaana la meelmariyay shuruucdii hagi lahayd maalgashiga shisheeye.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa si gaar ah u xusay dalka Talyaaniga oo Somaliya la leh xiriir ganacsi oo soo jireen ah, iyada oo Somaliya ay Talyaaniga uga iman jireen gaadiidka, qalabka beeraha iyo dawada, halka Somaliya ay u diri jirtay kalluunka, muuska iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

Raysal Wasaare Barre ayaa ganacsatada Talyaaniga ku booriyay in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee xiligan ka jira Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc