Home Wararka Maanta Taliska ATMIS oo Ciidanka Xoogga Dalka ku wareejiyay xeradoodii Biyacadde (SAWIRRO)

Taliska ATMIS oo Ciidanka Xoogga Dalka ku wareejiyay xeradoodii Biyacadde (SAWIRRO)

by Laacib

Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa bilaabay wejiga labaad ee dhimista tirada ciidamada ka jooga dalka.

Taliska ATMIS ayaa Axaddii Ciidanka Xoogga Dalka ku wareejiyay xerada ay ciidamadoodu ku lahaayeen deegaanka Biyacadde ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Militariga Burundi ee qaybta ka ah Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa sanado badan deganaa xerada ciidan ee Biyacadde, oo ka mid ah goobaha laga ilaaliyo amniga Magaalada Jowhar.

Wareejinta Xerada Biyacadde ayaa bilow u ah qorshaha ay Ciidanka Xoogga Dalka labada toddobaad ee soo socoto kula wareegayaan illaa toban saldhig.

Wejiga labaad ee dhimista Ciidanka ATMIS ayaa la doonaya in dhammaadka bishan dalka looga saaro saddex kun oo askari, tani oo daba socoto dhimistii la sameeyay bishii June, markaas oo dalka laga saaray laba kun oo askari.

Iyadoo laga duulayo qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2687, Dowladda Federaalka iyo Taliska ATMIS ayaa ka wada shaqeynaya qorshaha ka bixitaanka dalka ee Militariga ATMIS.

Wareegga saddexaad ee dhimista ayaa la samayn doonnaa bisha June ee sanadka 2024, waxaana xigi doona wejigii ugu dambeeyay ee ka bixitaankooda dalka, oo la samayn doono 31-ka bisha December ee sanadkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo daba-yaaqadii bishii August Magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee dalka ahna Madaxa Ciidanka Nabad Ilaalinta ee Hawlgalka ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef iyo Taliyaha Ciidanka ATMIS, General Sam Okiding ayaa u sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay ku filan yihiin amniga dalka.

“Arrimuhu waxay u socdaan si habsami leh, waxaana rajeynaynaa in dhammaadka September la sameeyo wareegga labaad ee yareynta ciidamada, taageero buuxda ayaanu ka haysanaa Madaxweynaha.” Ayuu yiri Danjire Souef.

Ciidanka ATMIS ayaa si tartiib tartiib ah ciidamada ugu wareejinaya amniga dalka, illaa iyo inta laga gaarayo xilliga uu ku egyahay muddada ay ogolaanshaha u haystaan joogitaankooda dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc