Home Wararka Caalamka Tirada askarta ay Ciidamada Israel isaga dileen Gaza oo korortay

Tirada askarta ay Ciidamada Israel isaga dileen Gaza oo korortay

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa soo saaray war ay ku sheegayaan inay korodhay tirada askarta ay ciidamada dhexdooda isaga dileen dagaalka ka socda Marinka Gaza.

Taliska ayaa sheegay in tirada ay ciidamada iska dileen ay gaartay 29 askari, tan iyo markii ay qaadeen hawlgalka dhinaca dhulka ee ay kula dagaalamayaan Ururka Xamaas.

“29 askari ayaa lagu dilay dab saaxiibtinimo, intii lagu jiray dagaaladii Gaza.” Ayaa lagu yiri warka uu soo saaray taliska.

Warka ayaa lagu sheegay in 18 askari ay ku dhinteen, waxa ay ku sheegeen dab saaxiibtinimo, qaarka kalena ay ku dhinteen shil baabuur amaba gawaari la jiirsiiyay, oo ciidamada dhexdooda ah.

Sidoo kale Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in dagaalka ka socda Gaza looga dilay 172 askari, tani oo wadarta guud ee askarta laga dilay, tan iyo markii ay colaadda ka dhex qarxay labada dhinac 7-dii bishii October ay gaartay 506 askari.

Duulaanka dhinaca dhulka Israel ee Gaza oo bilowday 27-kii bishii October ayaa la fahamsan yahay in tirada kaga dhimatay ay ka badan tahay 172 askari, xogta khasaaraha askartana aysan si sax ah ugu sheegeynin shacabkooda.

Ka dib weerarkii Xamaas ay October 7-deedii ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho, Israel ayaa Gaza ku qaadday weeraro cir, dhul iyo badba leh oo aan kala joogsan lahayn, iyadoona ay ku dhinteen 21,978 qof oo dad rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 56,697 kale.

Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay in si aan kala sooc lahayn ay u beegsanayaan dadka rayidka ah iyo kaabeyaasha rayidka.

Dhibaatooyinka ay Ciidamada Israel u gaysanayaan dadka rayidka ah ayaa waxaa ka dhalatay carro caalami ah, waxaana laga digaya in dagaalku uu ku fido meelo nabdoon oo gobolka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc