Home Wararka Caalamka Toogasho ay dad fara-badan ku dhinteen oo ka dhacday dalka Mareykanka

Toogasho ay dad fara-badan ku dhinteen oo ka dhacday dalka Mareykanka

by Laacib

Ugu yaraan 20 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen toogasho uu nin hubeysan ka gaystay Magaalada Lewiston ee Gobolka Maine ee dalkaasi Mareykanka.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ninka hubeysan oo weli baxsad ku maqan uu sii wado toogashada uu ka gaysanayo magaalada.

Taliska Booliska Qaybta Gobolka Maine ayaa sheegay in toogashada oo ka dhacday dhowr goobood ay sidoo kale ku dhaawacmeen tobanaan qof, iyagoona ka digay toogashada uu ninkaasi sii wado.

Taliska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in dadka degan gobolka, gaar ahaan Magaalooyinka Lewiston iyo Lisbon looga baahan yahay in ay guryahooda joogaan, albaabadana ay soo xirtaan.

Hay’adda Fulinta Sharciga ayaa ku warameysa in ciidamada ammaanka ay ku daba joogaan dembiilaha.

Booliska ayaa mar dambe sheegay in ninka toogashada gaysanaya uu yahay Robert Card, kaas oo ku hubeysan qori nooca daran-dooriga u dhaca.

Booliska ayaa sheegay in Robert Card uu yahay nin si wanaagsan hubka u yaqaana, horeyna uu u soo maray tababar boolis.

Saraakiisha Booliska ayaa mar kale ku celiyay in dadku ka feejignaadaan ninkaasi, oo ay ku sheegeen mid khatar ku ah amnigooda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc