Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

by Laacib

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo Khamiistii ka dhacay daanta galbeed ee Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay shalay subax weerar kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Ceelcadde, oo qiyaastii 60km dhanka galbeed kaga toosan Magaalada Beledweyne.

Xoogaga Difaaca Shacabka ee Macawiisley oo muddooyinkii ugu dambeysay deganaa deegaankaasi ayaa waxaa soo weeraray boqolaal ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, oo lagu abaabulay deegaanka Buq-goosaar oo 30km u jirta Ceelcadde.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Macawiisleyda ay dib uga gurteen deegaankaasi, ka dib culeys weyn oo ka soo fuulay Shabaabkii soo hujuumay.

Mintidiinta Al Shabaab ayaa waddada u galay ciidan gurmad ahaa oo ka soo ruqaansaday Degmada Far Libaax oo deegaankaasi uu ka tirsan yahay.

Mintidiinta ayaa la sheegay in ciidan ku sii diyaariyeen deegaanka Caagsibiri, oo 15km dhanka galbeed kaga beegan Far Libaax, si ay dhabar-jebin uga ilaaliyaan maleeshiyadii weerartay Ceelcadde.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaal la isku soo noqnoqday uu ka dhacay Caagsibiri, oo ku dhow Wadiga Lahelow, iyadoona ciidamada ay markii dambe u suurtagashay in ay halkaasi ka saaraan maleeshiyadii Shabaabka. Dagaalka ayaana gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac ah.

Weerarkan jidgalka ayaa la sheegay in uu hakiyay gurmadkii ka baxay Far Libaax ee ku sii jeeday Ceelcadde, oo weli ay Shabaabku ku sugan yihiin.

Ciidan kaloo gurmad ah oo ka ambabaxay Magaalada Beledweyne ayaa la soo sheegaya in ay hadda kulaalayaan Ceelcadde. Ciidankan ayaa la sheegay in ay dhexda iska sii raaceen Xoogagii Macawiisleyda ee soo banneeyay deegaankaasi.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale ciidan isugu jira boolis iyo militari gaysay Degmada Far Libaax, si Shabaabka looga ilaaliyo in ay la wareegaan.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Hiiraan, Korneyl Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay ciidamadu dib ula wareegi doonaan deegaanka Ceelcadde.

Far Libaax oo ku taalo goob istiraatiiji ah ayaa gobolkaasi ku xirto Gobolka Bakool iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Shabaabka ayaa 31-kii bishii August ee sanadkii hore dagaal culus kula wareegay gacan ku haynta Ceelcadde, inkastoo mar dambe ay ciidamadu u suurtagashay in ay dib uga saaraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc