Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog leh uu ka bilowday gobolkaasi, isla-markaana uu daaran yahay wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa wada abaabulkii ugu dambeeyay ee gulufka la damacsan yahay in mintidiinta lagaga saaro deegaanada dhaca daanta galbeed ee Webiga Shabelle.
Wararka ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu Saraakiisha Qaybta 27aad faray in ay ciidamada ka tallaabiyaan jiinka webiga, isla-markaana ay qaadaan gulufka lagu qabanayo deegaanada ay Shabaabku ka haystaan galbeedka gobolkaasi.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa la sheegay in lagu arkayo deegaanada ku teedsan jiinka webiga, min Beledweyne, Halgan illaa Buulo Burde.
Taliyaha Ururka 41aad, Guutada 5aad ee Qaybta 27aad, Xuseen Xasan Joodax (Hoorow) ayaa Degmada Buulo Burde kaga dhawaaqay in la joogo xilligii la xoreyn lahaa daanta galbeed ee gobolka.
Nabadoon Cali Cumar (Qaansaweyne) oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee gobolkaasi ayaa mar sii horreysay ku baaqay in ay dadka rayidka ah isaga fogaadaan webiga jiinkiisa.
Nabadoon Qaansaweyne ayaa wacad ku maray inaanan la cafin doonin xubin kasta oo ka tirsan maleeshiyada Shabaabka, da’da uu doonaba ha jiree.
“14 iyo 80 jir wixii u dhaxeeyo nin la cafinayo ma jiro, ogaada, ogaada nin la cafinayo inaanu jirin.” Ayuu yiri Nabadoon Qaansaweyne.
Hawlgalkan ayaa la sheegaya inaanu doorkiisa hoggaamineed lahaan doonin Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, kaas oo horkacayay wejigii hore ee hawlgalka oo keenay in Shabaabka laga saaro bariga gobolkaasi.
Tani ayaa loo aaneynayaa khilaaf xoogan ee kala dhaxeeya Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo xilka ka qaaday bartamihii bishii June.
Xil ka qaadistiisan ayaa xiisad siyaasadeed ka abuurtay gobolka, waana xiisadda siyaasadeed ee aan weli wax xal ah laga gaarin in ka badan lix toddobaad, inkastoo Villa Somalia ay dadaal ugu jirto, sidii khilaafkaasi loo soo afjari lahaa.
Cali Jeyte ayaa la fahamsan yahay in uu muhiim u yahay dagaalkan dalka looga saarayo kooxaha argagixisada, isagoona wejigii hore muujiyay in muddo kooban lagaga adkaan karo kooxahaasi.
Gobolka ayaa sanadkii hore xudun u noqday kacdoonka dadweyne ee ka dhanka ah Shabaabka hubeysan, ka gadaal markii Shabaabku horaantii bishii September ay dad safar ahaa ku lahaayeen, gaadiid ganacsina ku gubeen waddada xiriirisa Magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas. Jeyte oo markaasi ka faa’iideysanaya caradii shacabka ayaa abaabulay guluf ay muddo dheer ka dib isaga dulqaadayaan colkaasi.
Dowladda Federaalka oo xilligaasi kacdoonkaasi dadweyne u arkeysay fursad mar ku soo martay ah ayaa bilowday in ay hubeyso qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Gobolada Shabellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug, si ay Ciidanka Xoogga Dalka uga gacan siiyaan guluf Shabaabka looga kiciyay inta badan dhulkii ay ka maamulayeen deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.
Wejigii hore ee hawlgalka ayaa laga bartay in marka ciidamada iyo shacabku wadajiraan uu ka khasaare yaryahay dagaalkii sanadaha badnaa ee ay ciidamada ku keli ahaayeen.
Dadka deegaanka oo la abaabulo ayaa muhiim u ah qaabeynta iyo qorsheynta hawlgalada, haddii ay iyagu kala garanayaan dhulka loo socdo in laga saaro Shabaab iyo goobaha ay gabaadka ka dhigan karaan.
Si kastaba ha-ahaatee illaa iyo inta laga xalinayo xiisadda siyaasadeed ee gobolka ka taagan ayaa waxaa doorka hoggaamneed ee hawlgalka loo xilsaaray Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Tawane Axmed Gurey, Abaanduulaha Qaybta 27aad, Korneyl Isaaq Cismaan Idiris iyo Taliyaha Guutada 5aad ee Qaybta 27aad, Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay), inkastoo la sheegayo in Jeyte uu dhankiisa ka qorsheynayo guluf kale oo kaasi ka duwan, kana dhan ah maleeshiyada Shabaabka.