Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay ganacsatada lagu dilay Magaalada Dhuusamareeb

Wararkii ugu dambeeyay ganacsatada lagu dilay Magaalada Dhuusamareeb

by Laacib

Rag aan heybtooda la aqoonsan ayaa xalay Magaalada Dhuusamareeb ku dilay laba ka mid ah ganacsatada sida weyn looga yaqaano deegaanada Galmudug.

Ganacsatadan ayaa lagu kala magacaabi jiray Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed, iyadoona dilkoodu uu argagax ku abuuray dadka deegaanka.

Taliyaha Saldhigga Booliska Dhuusamareeb, Nuur Cilmi Maxamed ayaa dilka ganacsatada ku sheegay mid lagu argagax-gelinayo dadka reer Galmudug.

“Falkaasi runtii waa fal argagax leh oo foolxun, waana fal loogu talagalay in bulshada ku nool Dhuusamareeb iyo dhammaan Galmudugba lagu argagax-geliyo, dhibaatana loogu gaysto.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri “Dadka falkaasi ka dambeeyo waa dad aan dhihi karno argagixiso waayee ma ahan dad caadi ah.”

Taliyaha ayaa tilmaamay in ay ku daba joogaan dembiileyaasha, isagoona rajo ka muujiyay in ay gacanta ku soo dhigi doonaan, si sharciga loo horkeeno.

Waxa uu sheegay in la xiray dhammaanba waddooyinka ka baxa magaalada, ciidamaduna ay baarayaan dadka doonaya in ay ka baxaan magaalada, haddii ay jiraan baabuur ka baxday magaalada oo aan laga warqabina ay ciidamadu keeni doonaan xogta baabuurtaasi.

Taliyaha ayaa sheegaya in uu jiro tuhun ku aaddan kuwa ka masuulka ah dilkaasi, balse aanu doonayn in war aan sugnayn uu hadda ku hadlo.

Waxaa jira warar sheegaya in dilka ganacsatadu uu salka ku hayo aanooyinka xagga beelaha, ha yeeshee Taliyaha Saldhigga Booliska Dhuusamareeb ayaa gaashaanka u daruuray warkaasi.

“Tan oo kale aano qabiil looma saarin karo, mana dhihi karno waa aano qabiil. Aano qabiil, qabiilada waxay isku dili jireen duurarka iyo meelaha ay isku hayaan, laakiin marka loo eego dadka la dilay oo ganacsato ah, marna culimo ah iyo meesha ay ku dhinteen looma saarin karo inay tahay aano qabiil.” Ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray “Dad noocaan oo kale u shaqeysanayo waxaan dhihi karnaa waa dad laba danood uun mid ay ka muuqato, inay dan siyaasadeed meesha ku jirto oo lagu lug goonayo Galmudug & horumarkeeda iyo inay tahay fal argagixisadu soo abaabushay oo dagaalka lagu la jiro argagixisada ee ka socdo Galmudug lagu dhabar jebinayo. Labadaas mid ayaa loo qaadan karaa, laakiin waxaan maleysaneynay inay Dhuusamareeb saan wax uga dhacayaan ma ahayn.”

Dhanka kale Duqa Magaalada Dhuusamareeb, Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qarow) ayaa sheegay inaysan garanayn sababta maanta loo dili karay ganacsatadaasi, aan ka ahayn inay canshuur bixiyeyaal ahaayeen iyo inay ka shaqeynayeen horumarka magaalada.

Duqa Dhuusamareeb ayaa sheegay in Galmudug ay diyaar u tahay in gacanta lagu soo dhigo dhagarqabeyaasha, caddaaladdana la marsiiyo.

“Waxaan rabnaa halkan inaan ka caddeyno, Dowladda Galmudug waxay diyaar u tahay nimankaa in la soo qabto, Shareecada Islaamka la horkeeno, wixii ay galayna laga oofiyo.” Ayuu yiri Duqa Dhuusamareeb.

Geeda-qarow ayaa bulshada Galmudug ugu baaqay in ay ciidamada kala shaqeeyaan, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kuwii ka dambeeyay dilka ganacsatadaasi.

“In Dhuusamareeb lagu dilo dad aan waxba galabsan, waxay ka tarjumeysaa ummaddan nolosheedii oo dhan god in la geliyay. Taas darteed annagu inta qof naga nool yahay arrintaasi ma yeelayno.” Ayuu yiri Geeda-qarow.

Madaxda Galmudug iyo Taliyeyaasha Ciidamada ayaa ku foogan caddaalad u helidda qoysaska iyo ehelada dhibaneyaasha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc