Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay gulufka ballaaran Israel ee Gaza

Wararkii ugu dambeeyay gulufka ballaaran Israel ee Gaza

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa maalintii 24aad si aan kala joogsi lahayn u duqaynaya Marinka Gaza, tani oo Tel Aviv ay sheegtay in ay kaga aargudaneyso weerarkii Xamaas ee 7-dii October.

Duqaymahan ayaa waxaa ka qayb qaadanaya Ciidamada Cirka, Badda iyo Dhulka, iyadoona dadku ay duqaymahan ku tilmaameen kuwoodii ugu darnaa ay Israel ka gaysato Marinka Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay ciidamadoodu garaaceen in ka badan 600 oo bartilmaameed oo Xamaas ay ku leedahay Gaza.

Taliska ayaa Isniintan sheegay in weeraradaasi lagu dilay xubno ka tirsan Ururka Xamaas, oo isku soo xiray sida ay sheegeen dhismayaal ay bartilmaameedsadeen.

Ciidamada Israel ayaa isku dayaya in ay gudaha u galaan Gaza, ha yeeshee ay iska caabin xoogan kala kulmayaan Xoogaga Ururka Xamaas ee ku sugan jiidda waqooyi ee magaalada.

Saraakiisha Xamaas ayaa sheegay in ciidamadooda ay si buuxdo u hortaagan yihiin Militariga Israel, isla-markaana ay ku guuldareysteen in ay foodda soo geliyaan magaaladaasi.

Saraakiisha Xamaas waxay beeniyeen wararka sheegaya in Ciidanka Difaaca Israel ay si qoto dheer gudaha ugu jiraan Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa mar sii horreysay ku dhawaaqay in uu bilowday wejiga labaad ee dagaalka, oo sida uu sheegay lagu burburinayo Ururka Xamaas.

Militariga Israel ayaa mar kale ku baaqay in shaqaalaha caafimaadka iyo dadka rayidkaba ay banneeyaan Isbitaalka Al-Qudus, halkaas oo ay sheegeen in ay beegsan karaan.

Militariga ayaa war ku sheegay in Xoogaga Xamaas ay fariisimo ku leeyihiin isbitaalka hoostiisa, warkaas oo dhakhaatiirtuna ay beeniyeen.

Isbitaalkan oo lagu la tacaalayo xaaladda bukaanada ayaa sidoo kale waxaa hoy ka dhigtay in ka badan 12,000 oo qof oo barakacayaal ah, ka dib markii guryahooda la burburiyay.

Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in duqaymaha baahsan ee Israel toddobaadkii 4aad ka waddo Gaza ay ku dhinteen 8,306 qof, oo ay ku jiraan 3,457 carruur ah iyo 2,136 haween ah.

Hay’adda Save The Children ayaa xaqiijisay in in ka badan 3,000 oo carruur ah lagu dilay duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

Hay’adda ayaa sheegtay in tirada carruurta saddexdii toddobaad ee ugu dambeysay lagu dilay Gaza ay kor u dhaaftay tirada carruurta sanadlaha ah ee lagu dilay guud ahaan goobaha colaadaha ee adduunka, tan iyo sanadkii 2019.

Adeegga isgaarsiinta iyo khadka internet-ka ee Gaza ayaa dib u soo noqday gelinkii dambe ee Axaddii, ka dib markii Israel ay jartay habeenimadii Jimcaha.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo khadka teleefanka kula hadlay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ka dalbaday in Tel Aviv ay gargaarka bani’aadanimo si mug leh ugu ogolaato dadka Gaza.

Raysal Wasaaraha Falastiiniyiinta, Mohammad Shtayyeh ayaa ku baaqay in si degdeg ahi loo joojiyo duulaanka Gaza, si cunto, dawo, biyo iyo shidaalba loo gaarsiiyo shacabka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc