Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weerar culus ku galay Degmada Qoryooley

Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weerar culus ku galay Degmada Qoryooley

by Laacib

Wararka ka imaanaya Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay casir liqii galabta weerar culus ku qaadeen degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabka oo watay dhowr xabo oo gaadiidka Caasiga ah ay saddex jiho ka weerareen magaalada, isla-markaana ay xoog kaga gudbeen barraha ay ciidamadu ka ilaaliyaan amniga magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xubno badan oo ka tirsan maleeshiyadaasi ay gudaha u soo galeen xaafadaha magaalada, isla-markaana ay dagaal fool ka fool ah kula galeen ciidamada amniga.

Idaacadda afka Shabaabka ku hadasha ee Andalus ayaa sheegtay in maleeshiyadooda ay dagaal kula wareegeen gacan ku haynta Qoryooley.

Hase yeeshee wararka laga helayo degmadaasi ayaa sheegaya in Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa madaniga ee degmada ay iska caabin adag kala hortaggeen maleeshiyadaasi, qaybtoodna ay magaalada uga saareen dhanka xaafadda Wadajir.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ay mar dambe dhanka cirka ka garaaceen maleeshiyadii weerarka soo qaadday, isla-markaana uu jiro gantaal haleelay gaari Caasi ahaa oo gurmad ugu soo socday Shabaabkii ka dhex dagaalamayay magaalada.

Dagaalka ayaa waxaa barbar socday hoobiyeyaal u muuqday kuwo dibadda laga soo tuurayay oo ku soo dhacayay labada gedi ama daan ee magaaladaasi. Webiga Shabelle oo magaalada mara ayaa u kala qaybiya bari iyo galbeed.

Tiro hoobiyeyaal ah oo ku soo dhacay guryo la degan yahay ayaa galaaftay nolosha laba qof oo rayid ah iyo dhaawaca tiro kale.

Sidoo kale laba askari oo ka mid ah ciidamada ayaa la ogyahay in dagaalka ku dhinteen, mid kalena uu ku dhaawacmay.

Ma cadda inta uu le’egyahay khasaaraha gaaray maleeshiyadii Shabaabka ee magaalada soo weeraray.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Degmada Qoryooley, Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) ayaa sheegay in Shabaabku ay meydad badan uga carareen degmadaasi. Taliyuhu ma sheegin tirada meydadka ay Shabaabku halkaasi uga taggeen.

Xaalad kacsanaan leh ayaa caawa ka jirta Qoryooley oo weli laga maqlayo rasaas goos goos ah, inkastoo ciidamadu ay u muuqdaan kuwo si buuxdo gacanta ugu haya magaaladaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc