Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weerar ku galay Degmada Balcad (SAWIRRO)

Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weerar ku galay Degmada Balcad (SAWIRRO)

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa saaka weerar qarax ku bilowday ku qaaday Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Gaari lagu soo raray walxaha qarxa ayaa lagu bartilmaameedsaday mid ka mid ah saldhigyada ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in intaasi ka dib ay xabadda is qabsatay gudaha iyo dibadda ee Degmada Balcad, iyadoona uu weerarka baqdin xoog leh ku abuuray dadka deegaanka.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Shabaabka qaarkood ay u suurtagashay in ay gudaha u soo galaan degmada, muddo koobana ay ka dagaalamayeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya dadka deegaanka ee la abaabulay, markii dambena gurmad ka helay dhanka Magaalada Muqdisho ay dib u caabiyeen Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Wararka laga helayo Degmada Balcad ayaa sheegaya in Xoogaga Difaaca Shacabka ay yihiin cududda ugu weyn ee Shabaabka ka hor istaagtay in ay isku wada fidiyaan degmadaasi.

Weerarkan oo mid qorsheysan ahaa ayaa Shabaabka u sahlay in ay gudaha u soo galaan Balcad, kana dhex dagaalamaan, inkastoo ay ciidamadu halkaasi ku leeyihiin kontoroolo amnigeeda laga sugo.

Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaan weli ka hadlin weerarkan ay Shabaabku ku qaadeen degmadaasi.

Ilo ku dhow dhow maamulka gobolkaasi ayaa sheegaya in dagaalka uu gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac ah, inkastoo aan wax badan laga ogeyn inta uu le’egyahay.

Shabaabka ayaa bishan Ramadan kordhiyay weerarada ay ku hayaan saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada qaarkood.

Shabaabka ayaa u muuqdo kuwo culeys soo saaraya Gobolada Shabellooyinka, ka dib markii uu hakaday hawlgalkii lagu la dagaalamayay ee ka socday deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Maleeshiyada Shabaabka ayaa daba-yaaqadii bishii March weerar culus ku ekeeyay saldhigga ay ciidamada ku leeyihiin deegaanka Dhanaane ee saaran waddada xeebta ee xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka, gaar ahaan halka lagu magacaabo Busleey. Shabaabka oo xilligaasi dhowr saacadood haystay deegaankaasi ayaa la sheegay in markii dambe ay dib uga baxeen, iyagoona goobta ka qaatay gaadiid dagaal.

Saddex cisho ka dib weerarkaasi ayay weerar kaloo xoogan ku qaadeen ciidamada ku sugan deegaanka Daaru-nimca ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Wararka ayaa intaasi ku daray in Shabaabku ay saacado ka dib banneeyeen deegaankaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isku diyaarinaya in maalmaha Ciidul Fidriga ka dib uu u kabo gashto dardargelinta gulufka militari ee ka dhanka ah Shabaabka hubeysan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc