Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay xaaladda cadaabta ah ee ka jirta Gaza

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda cadaabta ah ee ka jirta Gaza

by Laacib

Iyadoo Israel ay sii waddo weeraradeeda naxariis darada ah ee ay ka gaysaneyso Marinka Gaza ayaa waxaa haddana muuqata in weli ay is hortaageyso in kaalmada bani’aadantinimo la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee sida weyn ugu baahan.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa si joogto ah weeraro uga gaysanaya marinadii ay hay’adaha caalamiga ah u sheegeen in ay u adeegsan karaan gurmadkooda bani’aadantinimo.

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa Maamulka Israel ku dhaliilay in ay carqaladeynayaan gargaarka ay tahay in la geeyo Gaza.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegaya in iyadoo ay dadku wajahayaan weeraro aan loo meel dayeynin ay xaaladda uga sii dareyso gaajada ba’an iyo daryeel la’aanta haysata.

Arrinta walaaca leh ayaa ah in Ciidamada Israel ay xitaa beegsanayaan kooxaha ka shaqeynaya arrimaha bani’aadantinimada.

Arbacadii shalay oo ugu dambeysay afar ka mid ah Shaqaalaha Gaadiidka Gurmadka Degdegga ee Hay’adda Bisha Cas oo gaadiid ambulance ah ku siday laba bukaan ayaa lagu dilay duqayn ka dhacday waddada Salah al-Din ee laga soo galo xaafadda Deir al-Balah ee bartamaha Marinka Gaza. Qaramada Midoobey ayaa weerarkaasi ku tilmaamtay mid aan gebi ahaanba la aqbali karin.

Madaxa Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka Bani’aadantinimada, Martin Griffiths ayaa cambaareeyay bartilmaameedyada ka dhanka ah dadka rayidka ah, oo ay qayb ka yihiin sida uu yiri shaqaalaha bani’aadantinimada.

“Xeerarka dagaalku waa ay cad yihiin, dhinacyadu waa inay ilaaliyaan rayidka, oo ay ku jiraan shaqaalaha bani’aadantinimada. Xeerarkan waa in la ixtiraamo.” Ayuu yiri Griffiths.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Tedros Ghebreyesus ayaa ugu yeeray Tel Aviv inay fasaxdo in gargaarka la geeyo Gaza.

Waxa uu sheegay inay hayaan gargaarka, balse ay la’yihiin aag nabdoon oo ay ka geli karaan Gaza, isagoona ku baaqay in Israel ay furto waddooyinka dhulka go’doonsan.

“Gaarsiinta kaalmada bani’aadantinimo ee Gaza ayaa waxaa soo wajahaya caqabado aan laga gudbi karin. Duqaymo baahsan, xayiraadaha dhaqdhaqaaqyada, shidaal la’aanta iyo isgaarsiinta go’an ayaa ka dhigaya mid aan suurtagal ahayn in WHO iyo hay’adaha la shaqeeya ay gargaarka gaarsiiyaan dadka gaajeysan.” Ayuu yiri Tedros Ghebreyesus.

Ghebreyesus ayaa yiri “Waxaan haynaa gargaarka iyo dhammaan kooxaha iyo qorsheyaashii loo baahnaa. Waxa keliya ee aan haysanin waa sidii aan ku taggi lahayn Gaza.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken oo booqasho ku maraya Bariga Dhexe ayaa Arbacadii sheegay in loo baahan yahay in gargaarku uu si mug leh ku gaaro Marinka Gaza, hase yeeshee istiraatiijiyadda ay Israel ka leedahay duulaankeeda Gaza ayaa xadidaya raashiinka, biyaha iyo sahayda dawada ee naf badbaadinta ee lagu doonayo in lagu badbaadiyo nolosha dadka reer Gaza.

Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay duqaymaha Israel ku dhinteen 112 qof, tiro ku dhow 200 oo kalena ay ku dhaawacantay.

Afhayeenka Wasaaaradda Caafimaadka Gaza, Ashraf Al-Qedra ayaa sheegay in tirada dadka rayidka ah ee la dilay, tan iyo 7-dii bishii October ay gaartay 23,469 qof, halka tirada dadka dhaawacmayna ay sii caga-cageynayso 59,604 qof.

Martin Griffiths, Madaxa Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka Bani’aadantinimada ayaa dunida ku dhalleeceeyay inay daawaneyso xaaladda quusta ah ee ka jirta Gaza.

Griffiths ayaa ku baaqay in dunida ay ka shaqeyso, sidii loo soo afjari lahaa colaadda Gaza, dadkeedana la gaarsiiyo gargaar dabooli kara baahidooda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc