Home Wararka Caalamka Wasiir Blinken “Xamaas waa inay aqbashaa hindisaha cusub ee heshiiska

Wasiir Blinken “Xamaas waa inay aqbashaa hindisaha cusub ee heshiiska

by Laacib

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa Ururka Xamaas ku booriyay inay aqbalaan hindisihii ugu dambeeyay ee dadaalada lagu dhexdhexaadinayo iyaga iyo Israel.

Mareykanka ayaa soo jeediyay hindise ku baaqaya in wejigiisa 1aad la isla qaato xabad joojin muddo lix toddobaad ah lagu hakinayo colaadda Marinka Gaza, Xamaas-na ay sii deyso 40 ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza, iyadoo ku bedelaneysa boqolaal ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyada Israel, oo ay ku jiraan kuwo ku xukuman dil iyo xabsi daa’in.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka oo xalay Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Washington ayaa Xamaas ku booriyay in ay aqbasho hindisaha heshiiska.

“Kubaddu waxay ag taallaa garsoorka Xamaas, adduunkuna wuu eegayaa waxa ay samayn doonto.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa intaasi raaciyay “Xamaas waa in ay aqbashaa heshiiska xabad joojinta ee lagu sii deynayo qaar ka mid ah la haysteyaasha. Xamaas waxay u baahan tahay inay aqbasho soo jeedinta cusub ee Mareykanka, si ay xabad joojin ugu hesho Gaza.”

Wada hadalada lagu dhexdhexaadinayo Israel iyo Xamaas oo ka socda Magaalada Qaahira, Mareykankuna uu gadaal ka riixayo ayaa looga gol leeyahay in dhinacyadu ay isla qaataan heshiis xabad joojin degdeg ah, isla-markaana ay is dhaafsadaan maxaabiis fara-badan.

Ururka Xamaas ayaa Talaadadii sheegay in Israel aysan buuxin mid ka mid ah shuruudihii ururka, ha yeeshee ay qiimeyn ku samayn doonaan soo jeedintan ay la soo wadaageen dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Masar iyo Qatar, isla-markaana ay jabwaabtooda dib ugu celin doonaan Qaahira iyo Doha.

Tel Aviv waxay dhankeeda sheegtay inay daneynayso in la gaaro heshiis maxaabiista la isku weydaarsanayo, balse aanay diyaar u ahayn in ciidamadeeda ay ka baxaan Gaza, dagaalkana ay soo afjarto.

La taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, Jake Sullivan ayaa sheegaya in uu la hadlay Raysal Wasaaraha Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, kaasoo u sheegay inaysan weli wax jawaab ah ka helin dhanka Xamaas.

“Waxaan ku cadaadiyay inuu jawaab ka helo Xamaas, sida ugu dhakhsaha badan.” Ayuu yiri Jake Sullivan oo Warbaahinta ka soo muuqday.

Si kastaba ha-ahaatee Xamaas ayaa dooneysa heshiis kasta oo lagu xaqiijinayo in si guud loo soo afjaro duqaymaha is daba jooga ah ee Israel, in ciidamadeeda ay ka wada baxaan Marinka Gaza iyo in dadkii la barakaciyay ay dib ugu laabtaan guryahoodii, guud ahaan dhulka sida adag loo go’doomiyay.

Hase yeeshee Washington ayaa qabta in xabad joojinta ku-meel-gaarka ah ay horseedi doonto in si buuxdo loo soo afjaro dagaalka Gaza, maadaama ay wada hadaladu sii socon doonaan.

Kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa Gaza ku haysta ugu yaraan 130 qof oo Israeliyiin ah, oo ay ku soo qafaasheen weerarkii October 7-deedii.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc