Home Wararka Maanta Wasiir Kayd “Turkiga waanu u sheegnay inaanay xeebaha Somaliland soo geli karin”

Wasiir Kayd “Turkiga waanu u sheegnay inaanay xeebaha Somaliland soo geli karin”

by Laacib

Somaliland ayaa markii ugu horreysay sheegtay inay Turkiga ku wargelisay in aanu iman karin xeebaheeda, ka dib heshiiskii iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee 8-dii bishii February ay gaareen Dowladaha Somaliya iyo Turkiga.

Heshiiskan oo socon doono toban ayaa ah mid Somaliya looga caawinayo ilaalinta xeebaheeda iyo dib-u-dhiska Ciidanka Badda. Heshiiskan ayaa yimid, ka dib markii Dowladda Federaalka ay si weyn uga carootay heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay 1-dii bishii January Magaalada Addis Ababa ku gaareen Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, kaas oo Itoobiya u ogolanayo in laga kireeyo marin badeed, isla-markaana ay hesho daaqad ay ka soo gasho Badda Cas. Somaliland ayaana sheegtay in heshiiskaasi ay ku bedelaneyso aqoonsi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si adag uga horyimid heshiiskaasi ayaa ku tilmaamay mid sharci darro, isla-markaana aanu dhaqangeli doonin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay hadda isku raaceen in la dhameystiro heshiiskaas, si loo gaaro danta labada dhinac.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Somaliya ay u bannaan tahay in arrimaheeda gudaha ay ka fekerto, isla-markaana aanu heshiiskan wax dagaal ahi ka abuuri doonin gobolka.

“Somaliya waxaa u bannaan inay qaddiyadeeda gudaha ay ka fekerto, wax ay yeeleysaa heshiiskan haba yaraatee ma jirto. Heshiiskan runtii markaad eegto bil xaqiiqa, sida ay u dhigayaan waa khalad. Heshiiskani dagaal ma keenayo, dhibaatana ma keenayo ee wuxuu keenaya deganaansho.” Ayuu yiri Wasiirka oo BBC la hadlay.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay inay Dowladda Turkiga ku wargeliyeen inaanay iman karin xeebaha Somaliland, maadaama Somaliya aysan ka arrimin sida uu sheegay xeebaha Somaliland.

“Turkiga waanu u sheegnay inaanay xeebaha Somaliland soo geli karin haba yaraatee, wuuna ogyahay xeebaha Somaliland inay Somaliland u taliso, aysan Somaliya-na u talin. Wax welwel ah oo aanu taas ka qabnaa ma jirto.” Ayuu yiri Wasiir Kayd.

Wasiir Kayd ayaa qaba, haddii aan waxba laga bedeli karin qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland ay gudboon tahay in xaajada lagu dhameeyo si Soomaalinimo ah, maadaama sida uu yiri ay markii horeba ahaayeen laba dal oo wax isku darsaday.

“Haddii qaddiyadda Somaliland aan waxba laga bedeli karin in arrintan lagu dhameeyo si Soomaalinimo ah.” Ayuu yiri Wasiirku oo intaasi ku daray “Waad ogtihiin laba dal oo isu tagey inaan nahay soo maaha? Labadii dal ee isu tagey waxaanu goosanay markaa in dalkayagii aanu u soo noqono, oo dhiig iyo dhaqaalaba aan ku bixinay.”

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Waxaa ugu wanaagsanaan lahayd in Madaxweyne Xasan Sheekh, Dowladda Somaliya iyo ummadda reer Somaliya ay markaba noqdaan iyagu kuwa u dhega nugul, mar haddaan dalkii iska bedeleyn oo la isku soo noqon karin weligeed inay iyagu aqoonsadaan Somaliland ayay runtii ahaan lahayd tan ugu wanaagsan, oo laba dal oo walaalo ah oo beecmushtar wadaaga, wada shaqeysta oo is barbar taagan, sida dalka Jabuuti oo kale.”

Heshiiska is afgaradka ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa Geeska Afrika ka abuuray muran xoogan, iyadoona dalalka gobolka ay walaac ka muujiyeen xaaladda cakiran ee ka dhex taagan Somaliya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa 15-kii bishii February sheegay in dalkiisu uu difaaci doono madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya. Turkiga ayaana 23-kii bishii hore ee April Somaliya u soo diray markab dagaal, kaas oo horudhac u ah dhaqangelinta heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee labada dal.

Itoobiya ayaa dunida kala kulantay cadaadis diblomaasiyadeed, oo looga dalbanayo in ay dib uga istaagto heshiiska is afgaradka ah ee ay la gaartay Somaliland, si looga gudbo xiisadda culus ee siyaasadeed ee ku soo korortay gobolka.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa sheegay in ay aqoonsan yihiin madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc