Home Wararka Maanta Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha oo xilka la wareegay (SAWIRRO)

Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha oo xilka la wareegay (SAWIRRO)

by Laacib

Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Somaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta xilka la wareegay, ka dib munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayuu Wasiirku xilka uga la wareegay Wasiirkii hore ee wasaaraddaasi, Axmed Macalin Fiqi.

Kusimaha Raysal Wasaaraha ahna Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub iyo Wasiirkii hore.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa 7-dii bishan Xildhibaan Xoosh u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, markaas oo Axmed Macalin Fiqi uu u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga.

Fiqi ayaa tan iyo 2-dii bishii August ee sanadkii 2022 ku magacawnaa jegada Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Tallaabadan haatan loogu magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ka dambeysay, dhowr bilood oo wasaaraddaasi ay ahayd bilaa Wasiir.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) ayaa is casilay 18-kii bishii December, si uu ugu tartamo jegada madaxtinimada ee Puntland, oo 8-dii bishii January dib loogu doortay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Si kastaba ha-ahaatee munaasabadda xilwareejinta ee maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka 20-kii bilood ee Wasiir Fiqi uu maamulayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Shaqaalaha & Howlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, xubno ka socday Dowlad Goboleedyada, Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo masuuliyiin kale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc