Home Wararka Maanta Wasiirka Difaaca Israel oo sheegay in Khan Yunis ay noqon doonto xudunta dagaalka Gaza

Wasiirka Difaaca Israel oo sheegay in Khan Yunis ay noqon doonto xudunta dagaalka Gaza

by Laacib

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa sheegay in dagaalka ka socdo Marinka Gaza uu sii socon doono muddo dheer, illaa iyo inta laga gaarayo buu yiri hadafka aynu ka leenahay.

Wasiirka ayaa sheegay inkastoo Ciidamada Israel ay si mug leh uga dagaalamayaan gudaha Gaza, haddana ay Khan Yunis noqon doonto xudunta dagaalka ka socda Marinka Gaza.

“Xudunta dagaalka waa Khan Yunis, ciidamadeenuna si buuxdo ayay isugu fidinayaan koonfurta Gaza.” Ayuu yiri Wasiirka Difaaca israel.

Wasiirkaa ayaa intaasi ku daray in qabsashada Khan Yunis ay muhiim u tahay dagaalkan ay kaga jiraan Gaza.

“Guuluhu waa wax cajiib ah, natiijaduna way soo socotaa.” Ayuu yiri Wasiirka oo dhanka kale ku hanjabay in ay Khan Yunis ka dhigi doonaan meel ka caagan Xoogaga Xamaas.

“Hawlgalka ay ciidamadeennu ka wadaan Khan Yunis waa mid aan horey loo arag, waana hawlgalka la wareegidda qolalka kontoroolada iyo ciribtirka argagixisada.” Ayuu yiri Wasiirku.

Yoav Gallant, Wasiirka Difaaca Israel ma sheegin waxa gaarka ka dhigay Khan Yunis, balse Warbaahinta ayaa fahamsan in halkaasi ay tuhunsan yihiin inuu ku sugan yahay Yahya Sinwar, Gudoomiyaha Marinka Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa damacsan in ay si toos ah isugu xirmaan ciidamadooda ka dagaalamaya Khan Yunis iyo Deir al-Balah oo ku taala bartamaha Gaza.

Inkastoo Taliska Militariga Israel uu ciidan hor leh geliyay deegaanka Khan Yunis, haddana diyaaradaha dagaalka Israel ayaa ka wada duqaymo arnxandarro ah, oo dad hor leh ku khasbay in ay guryahooda isaga barakacaan.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegay in 100,000 oo kale ay gaareen jiidda koonfureed ee Rafah, oo ku taala xadka Gaza iyo Masar.

Wakiilka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Falastiiniyiinta, Rik Peeperkorn ayaa maalin ka hor sheegay in hay’addu ay ka walaacsan tahay barakacinta cusub ee dadka ay sii adkeyn doonto xarumaha caafimaadka ee koonfurta.

“Waxaa jirta halis, caafimaad darro, gaajo, haraad iyo hoy la’aan, kuwaani waa inaysan noqon caadada mallaayiin qof, laakiin nasiib darro way yihiin.” Ayuu yiri Rik Peeperkorn.

Peeperkorn ayaa yiri “Dhaqdhaqaaqa ballaaran ee dadku wuxuu sidoo kale u horseedi doonnaa ciriiri dheeraad ah iyo kordhinta khatarta cudurada faafa, waxayna adkeynaysaa xitaa bixinta gargaarka bani’aadanimo.”

Khan Yunis oo billihii October iyo November ay ku soo barakaceen dad hal milyan oo qof lagu qiyaasay ayaa mar kale lagu cadaadiyay in ay ka barakacaan halkii markii hore la faray in ay u guuraan. Qoysaska ayaa gaaraya jiidda koonfureed ee Gaza oo xitaa ay duqaymuhu ka socdaan.

Rafah waa meeshii ugu dambeysay ee dadka loo sheegay inay tahay aag nabdoon, isla-markaana ay tagi karaan, hase yeeshee duqaymaha oo ku baahay ayaa waxaa muuqata inaanay ku nabad geli doonin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc