Home Wararka Maanta Weerar dhinaca cirka oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Weerar dhinaca cirka oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

by Laacib

Saaxiibada caalamiga ayaa maanta weerar dhinaca cirka ka gaystay deegaanka Qobyaxaas ee Galbeedka Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha saaxiibada caalamiga ay bartilmaameedsadeen xarun ay maleeshiyada Al Shabaab ku leeyihiin deegaankaasi.

Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in goobta la bartilmaameedsaday uu shir uga socday maleeshiyada Shabaabka, oo horjoogeyaal ay ku jiraan.

“Ciidanka Xoogga iyo saaxiibadood waxa ay ku guuleysteen in ay burburiyaan goobtii, isla-markaana halkaas lagu laayo maleeshiyaadkii ku shirayay, waxaana sidoo kale la gubay laba gaari oo ay wataan horjoogeyaashii Khawaarijta ee halkaas joogay.” Ayay tebisay Warbaahinta Qaranka.

Warbaahinta Qaranka ma sheegin inta uu le’egyahay khasaaraha nafeed ee duqayntu sababtay, marka laga soo taggo in qiimeyn ku socoto tirada dhimashada iyo dhaawaca.

Weerarka ayaa imaanaya, iyadoo gobolka uu ka socdo dhaqdhaqaaq ciidan, oo qorshuhu yahay in Shabaabka lagaga saaro daanta galbeed ee Webiga Shabelle.

Shabaabka ayaa maamula deegaanada dhaca Galbeedka Gobolka Hiiraan, iyadoona hadda la doonayo in laga saaro deegaanadaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa la filayaa in ay qabtaan deegaano ay ka mid yihiin Buq Aqable, Luuq Jeelow, Mokeyle iyo Ceelware.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc