Home Wararka Maanta Xaaladda Degmada Ceelbarde oo maalintii 2aad kacsan

Xaaladda Degmada Ceelbarde oo maalintii 2aad kacsan

by Laacib

Xaalad kacsanaan leh ayaa maalintii 2aad laga soo sheegaya Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ay shalay ku dagaalameen degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay weli is horfadhiyaan goobtii uu xalay gabalka ugu dhacay, isla-markaana aanay jirin cid kala dhex gashay.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii nin askari ahaa ay askar kale ku dishay bartamaha Ceelbarde, taas oo keentay in ciidamada ay qaab beeleed laba dhinac ugu kala saftaan.

Maxamed Cabdiwahaab Raabi oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Dhacdo.com u sheegay in goobaha ganacsiga ay maanta xiran yihiin, dadkuna ay ka baqdin qabaan in mar kale lagu dul dagaalamo.

Maxamed Cabdiwahaab ayaa tilmaamay in ay socdaan dadaalo ay wadaan Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya, si xaaladda loogu soo celiyo mid caadiya.

Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegaya in xiisaddani ay wiiqeyso dadaaladii socday, ee loogu diyaargaroobayay hawlgalka la doonayo in lagu xoreeyo Degmooyinka Rabdhuure iyo Tiyeeglow ee gobolkaasi.

Dagaalkii shalay ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii ugu dambeysay uu Ceelbarde ka jiray khilaaf ka dhashay, markii Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay is bedel ku sameysay hoggaankii maamulka degmada.

 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc