Home Wararka Caalamka Xamaas oo dalalka dhexdhexaadiyeyaasha u gudbisay jawaabteeda heshiiska

Xamaas oo dalalka dhexdhexaadiyeyaasha u gudbisay jawaabteeda heshiiska

by Laacib

Ururka Xamaas ayaa dalalka dhexdhexaadiyeyaasha u gudbiyay jawaabtooda ku aaddan hindisaha qodobada heshiiska ee socda.

Xamaas oo loo gudbiyay hindisaha qaab dhismeedka cusub ee xabad joojinta Gaza ayaan jawaabtooda lala wadaagi Warbaahinta.

Raysal Wasaaraha Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaase sheegay in Xamaas ay si togan oo wanaagsan uga soo jawaabtay hindisaha heshiiska lagu joojinayo dagaalka Gaza, si xoogaga wax iska caabinta Falastiiniyiinta iyo Israel ay isu dhaafsadaan maxaabiista.

Horaan, Saraakiisha Xamaas oo tuhun ka muujiyay hindisaha ayaa la sheegay in ay iska diideen, sababo ku aaddan qodobada qaar oo ay u arkayeen kuwo mad madow uu ku jiro.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken oo gaaray Israel ayaa madaxda maamulkaasi kala hadlaya soo jeedinta iyo jawaabta Xamaas.

Wasiirka ayaa heshiiska ku tilmaamay mid lama huraan ah, waana xilli uu Bariga Dhexe ku yimid safarkiisii shanaad, tan iyo 7-dii October.

“Weli waxaa jira shaqo badan oo u baaan in la qabto, laakiin waxaan sii wadaynaa in aan aaminsanahay in heshiisku uu suurtagal yahay, oo runtii lama huraan ah.” Ayuu yiri Wasiir Blinken.

Hindisahan oo Mareykanka uu gadaal ka riixayo ayaa ah mid ay dad badani wada sugayaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc