Home Wararka Caalamka Xamaas oo soo bandhigtay 3 ka mid ah la haysteyaasha Israel oo cambaareeyay weerarada Gaza

Xamaas oo soo bandhigtay 3 ka mid ah la haysteyaasha Israel oo cambaareeyay weerarada Gaza

by Laacib

Ururka Xamaas ayaa xalay baahiyay muuqaal ay ka soo muuqdeen saddex haween ah, oo ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.

Haweenkan ayaa cambaareeyay weerarada sii kordhaya ee Israel ka waddo Marinka Gaza, iyagoona ku baaqay in Tel Aviv ay joojiso weeraradaasi.

Mid ka mid ah haweenkaasi ayaa Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku eedeysay inuu ku guuldareystay in uu ilaaliyo amniga muwaadiniinta Israel, markii Xamaas ay 7-dii bishan weerartay koonfurta Israel.

Haweenkan ayaa Raysal Wasaaraha Israel ugu baaqay in uu Xamaas la galo heshiis maxaabiis is weydaarsi ah, si iyagoo badqaba ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa cambaareeyay muuqaalka uu baahiyay Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam.

“Tani waa dacaayad nafsi oo naxariis darro ah oo ay sameynayaan Xamaas.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo ka jawaabayay codsiga la haysteyaasha.

Raysal Wasaaraha ayaa qoraal ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay in ay samayn doonaan wax kasta, si maxaabiista ay dib ugu soo celiyaan Israel.

“Waxaan samayn doonnaa wax walba, si aan u soo celino dhammaan dadka la afduubtay iyo kuwa kale ee la la’yahay.” Ayuu yiri Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel.

Raysal Wasaare Netanyahu oo aqoonsaday haweenkaasi ayaa magacyadooda ku kala sheegay Yelena Trupanob, Danielle Aloni iyo Rimon Kirsht.

Tani ayaa imaanaysa, xilli Tel Aviv ay cadaadis kala kulmeyso qoysaska iyo ehelada la haysteyaasha, oo dalbanaya in maamulku uu sii daayo maxaabiista Falastiiniyiinta, si xubnaha qoysaskooda ay iyana xorriyadooda u helaan.

Militariga Israel ayaa Sabtidii sheegay in 229 qof oo Israeliyiin ah ay Xoogaga Xamaas ku haystaan Marinka Gaza, kuwaa oo qaarkood laba dhalasho haysta.

Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog ayaa Isniintii xaqiijiyay in ay heleen meydka Shani Nicole Louk, oo ka mid ahayd la haysteyaasha, ka dib markii uu sheegay in la dilay, balse ma sheegin waxa ay u dhimatay.

Shani Nicole oo 23 jir ahayd ayaa sidoo kale haysatay dhalashada dalka Jarmalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc