Home Wararka Caalamka Xamaas oo soo jeedisay in la kordhiyo heshiiska xabad joojinta ee Marinka Gaza

Xamaas oo soo jeedisay in la kordhiyo heshiiska xabad joojinta ee Marinka Gaza

by Laacib

Ururka Xamaas ayaa ku baaqay in la kordhiyo muddada xabad joojinta ee Marinka Gaza, xilli ay maanta ku egtahay heshiiskii afarta maalmood ee ay dhinacyadu gaareen.

Xamaas iyo Israel ayaa Arbacadii ku heshiiyay in afar maalmood la hakiyo duulaanka Israel ee Gaza, iyadoo looga faa’iideysanayo qorshaha maxaabiis is weydaarsiga ee labada dhinac iyo in si nabdoon gargaarka bani’aadantinimo lagu gaarsiiyo magaalada.

Xamaas ayaa ku baaqday in la dheereeyo waqtiga xabad joojinta, bacdamaa ay dhinacyadu u furan tahay fursad ay ku kordhin karaan muddada xabad joojinta, si loo sii wado heshiiska maxaabiis is weydaarsiga.

Dhinacyada ayaa lagu wadaa in caawa ay sameeyaan wejigii ugu dambeeyay ee heshiiska maxaabiis is dhaafsiga.

Waxaa jirta rajo muujineysa in xabad joojinta la kordhin karo, haddii Xoogaga Xamaas ay weli gacanta ku hayaan in ka badan 175 qof oo Israeliyiin ah.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Majed Al Ansari ayaa sheegay in heshiiska xabad joojinta uu muhiim u yahay in la soo afjaro colaadda Gaza.

Xamaas ayaa 150 qof oo Falastiiniyiin ah ku bedelatay in ay sii deyso 50 ka mid ah la haysteyaashii reer Israel ee lagu soo afduubay weerarkii 7-dii October.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc