Home Dhacdooyin Xerada Militariga Gariley ee Gobolka Gedo + SAWIRRO

Xerada Militariga Gariley ee Gobolka Gedo + SAWIRRO

by Laacib

Waa sawirran muujinaya, xilligii maleeshiyada Al Shabaab ay Khamiistii la wareegayeen gacan ku haynta Xerada Militariga Gariley ee Gobolka Gedo.

Mintidiinta oo xilligaa dhowr jiho ka weeraray xeradaasi oo 12km u jirto xadka Somaliya la leedahay Kenya ayaa kala wareegay Ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

Daraawiishta Jubbaland oo mar dambe ay gurmadyo gaareen ayay ugu dambayn u suurtagashay in ay dib uga saaraan maleeshiyada Shabaabka.

Salaan Cabdullaahi Cagey oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadooda ay si buuxdo gacanta ugu hayaan deegaankaasi.

Gudoomiyaha deegaanka Gariley, Maxamuud Cabdille Warsame ayaa isna sheegay in Daraawiishta Jubbaland ay gacanta ku hayaan deegaanka.

Aadan Xaashi Maxamuud oo ka mid ah dadka reer Gariley ayaa isna inoo xaqiijiyay inaanay Shabaabku joogin deegaanka, isla-markaana ay ku sugan yihiin Ciidanka Jubbaland iyo tiro yar oo ka mid ah kuwa Xoogga Dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Aadan Barre Ducaale iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalin ka hor gaaray Gariley. Socdaalkiisan ayaa qayb ka ahaa mid uu ku marayay deegaanada ku teedsan xuduudda labada dal.

Ciidanka Militariga Kenya ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS oo tobankii sano ee ugu dambeysay deganaa Xerada Gariley ayaa isaga baxay dhammaadkii bishii June.

Militariga Kenya ayaa waxaa saameeyay qorshaha uu Hawlgalka ATMIS ku dhimayo/yareynayo tirada ciidamada ka jooga dalka.

Xeradan ayaa ka mid ah illaa toddobo saldhig oo daba-yaaqadii hore ay banneeyeen Militariga ATMIS.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc