Home Wararka Maanta Xisbullah oo garaacday Saldhigga Militariga Israel ee Buuraha Golan

Xisbullah oo garaacday Saldhigga Militariga Israel ee Buuraha Golan

by Laacib

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegtay masuuliyadda duqayn xoogan oo lala bartilmaameedsaday Ciidamada Israel ee fariisimaha ku leh xadka Buuraha Golan ee Suuriya laga haysto.

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in afar diyaaradood oo drones ah ay ku weerareen Ciidanka Cirka Israel ee degan Buuraha Golan.

Xisbullah ayaa xalay warsaxaafadeed ku sheegtay in weerarka xagga cirka ay si sax ah ugu garaaceen bartilmaameedkooda hawlgal ay ku taageerayaan shacabka Falastiiniyiinta.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xoogaga Xisbullah ay ololiyeen saldhiggii ay ku sugnaayeen Ciidamada Israel, isla-markaana uu jiro khasaare naf iyo maalba leh oo ka soo gaaray weerarka.

Taliska Militariga Israel oo weerarka ka hadlay ayaa sheegay in laba bartilmaameed oo cadowtinimo ah, kana yimid dhinaca Lubnaan ay ku soo dhaceen dhulka Israel ee waqooyiga deegaanka Golan, mana sheegin wax khasaare ah oo ay gaysteen.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Cirka Israel ay duqeeyeen goob militari oo Xisbullah ah, kuna yaala aagga xuduudda ee Jibbain, isla-markaana ay wax yar ka dib beegsadeen fariisin kale oo Xisbullah ay ku leedahay deegaanka Taybeh ee koonfurta Lubnaan.

Weeraradan ugu dambeeyay ayaa waxa ay dhacayaan, xllli Xisbullah ay Axaddii gantaalihii ugu badnaa ku garaacday waqooyiga Israel.

Kor u kaca weerarada ka socda xadka labada dhinac ayaa xoojinaya dareenka cabsida ee ku aaddan in dagaalka Gaza uu halis ku yahay inuu ku fido gobolka. Dad badan ayaana ka cabsi qaba in isku dhaca uu sii xumaado.

Ka dib weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho, Xisbullah iyo Israel ayaa tan iyo xilligaa gantaalo isku weydaarsanayay deegaanada xuduudda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc