Home Wararka Caalamka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo sheegay in xasuuqa ka dhacay Gaza aan horey loo arag

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo sheegay in xasuuqa ka dhacay Gaza aan horey loo arag

by Laacib

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa xusul-daaray weerarada sii kordhaya ee ay Israel ku leynayso shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in tirada dadka rayidka ah ay Israel ku dishay duulaankeeda Gaza ay tahay wax aan horey loo arag, tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2017.

Xoghayaha ayaa sheegay in colaadda Gaza aan lala barbardhigi karin colaadaha kale ee dunida ka dhacay, muddadii uu xafiiska joogay.

“Waxa iska cad ayaa ah in dhowr toddobaad gudahood lagu dilay kumanaan carruur ah. Waxaan aragnaa dil loo gaystay dad rayid ah, waana wax aan horey loogu arag colaad kasta oo dunida, tan iyo markii aan noqday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.” Ayuu yiri Xoghayaha.

Xoghayaha oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada New York ayaan taageerin wararka sheegaya in Israel ay dalbatay in ciidan nabad ilaalin ah la keeno Marinka Gaza, marka ay colaadda dhammaato, si ay ula wareegaan amniga Gaza, waxaana uu sheegay in dunida looga baahan yahay in ay ka shaqeyso, sidii loo heli lahaa laba dal oo deris ah, si xal loogu helo colaadda ku soo noqnoqotay Bariga Dhexe.

“Si ay taasi u suuragasho, waxaa lama huraan ah in dagaalka ka dib aan u dhaqaaqno hab go’aan leh oo aan laga laaban karin, oo aan ku gaari karno xalka laba dowladood.” Ayuu yiri António Guterres.

António Guterres ayaa yiri “Sidoo kale marka ay colaaddu dhammaato, waxaan aaminsanahay inay muhiim tahay in la xoojiyo Maamulka Falastiiniyiinta, si ay ula wareegaan masuuliyadda Gaza.”

Guterres ayaa intaasi ku daray “Qof kasta wuxuu u baahan yahay inuu isu keeno, si uu u sameeyo shuruudaha kala guurka, oo u ogolaanaya Maamulka Falastiiniyiinta in la xoojiyo, si ay ula wareegaan amniga Gaza, ka dibna loo dhaqaaqo dhismaha dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin.”

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 13,300 oo qof oo shacab ah lagu dilay magaalada go’doonsan ee Gaza, tan iyo markii Israel ay bilowday weerarada ay kaga aargudaneyso weerarkii 7-dii October ay Xamaas ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc