Home Wararka Caalamka Xuuthiyiinta oo sheegay in xabad joojinta KMG ee Gaza aysan joojin doonin weeraradooda maraakiibta

Xuuthiyiinta oo sheegay in xabad joojinta KMG ee Gaza aysan joojin doonin weeraradooda maraakiibta

by Laacib

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay inaysan joojin doonin weeraradooda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, haddii muddo kooban lagu heshiiyo in la hakiyo dagaalka Marinka Gaza.

Mareykanka ayaa gadaal ka riixaya hindise muddo lix isbuuc ah lagu joojinayo dagaalka u dhaxeeya kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel.

Xuuthiyiinta ayaa horaan sheegay in weeraradooda maraakiibta ay joojin doonaan, marka ay Israel soo afjarto weeraradeeda naxariis darrada ah ee Gaza, lana fasaxo gargaarka bani’aadantinimo.

Afhayeenka Xafiiska Siyaasadda ee Xuuthiyiinta, Mohammed Abdul-Salam oo Reuters ay wax ka weydiisay inay joojinayaan weeraradooda, haddii la gaaro heshiis xabad joojin ah ayaa sheegay keliya inay weeraradooda joojin doonaan, kolka ay Israel soo geba-gabeyso duulaankeeda Gaza iyo go’doominta ay ku hayso.

Afhayeenka ayaa muujiyay in hawlgaladooda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo ay ku garab taagan yihiin shacabka Falastiiniyiinta ay ka leeyihiin in si buuxdo loo soo afjaro colaadda Gaza.

Waxa uu sheegay inay doonayaan in la dhameeyo go’doominta lagu hayo Gaza, gargaarkana uu si xor ah u galo, haddii intaasi la waayana ay weeraradooda sii socon doonaan.

“Ma joogsan doonaan hawlgalada aan ku taageerayno dadka Falastiiniyiinta, marka laga reebo marka ay joogsato gardarrada iyo go’doominta ay Israel ku heyso Gaza.” Ayuu yiri Mohammed Abdul-Salam.

Mareykanka ayaa Dowladaha Qatar iyo Masar kala shaqeynaya, sidii Israel iyo Xamaas ay u gaari lahaayeen heshiis lix toddobaad lagu hakinayo dagaalka iyo in Xamaas ay ku bedelato la haysteyaasha Israeliyiinta ee Gaza lagu hayo qaar ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyada Israel.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay inay jirto rajo laga qabo in dhinacyadu ay heshiiska gaaraan Isniinta soo socoto.

In ka badan 130 qof oo Israeliyiin ah ayaa hadda lagu haystaa Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc