Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka ayaa iclaamiyay bannaanbax lagaga soo horjeedo ololaha dhul boobka ee lagu barakicinayo bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho qaybteed.
Hoggaamiyaha Mucaaradka, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inaanan laga aamusi karin xaaladda ka taagan caasimadda, isagoo xusay in dhul boobku uu gaaray meeshii ugu sarreysay, isla-markaana ay arrintan taabaneyso sida uu sheegay damiirka qof walboo Soomaali ah.
“Waa arrin taabaneysa damiirka qof walboo Soomaali ah. Dad dhibaateysan oo guryo wanaagsan aan ku jirin, hoy fiican iyo nolol fiican aanan haysanin, aanan hubin quutul yowmkooda maalintii meesha uu ka imaanayo, masuuliyaddii hooyo iyo aabe saarana ay saaran tahay ayaa muddadii la soo dhaafay la barakicinayay oo bannaanka loo xooraayay. Beryihii ugu dambeeyay waa la sii laba jibaaray ama waa la toban jibaaray. Waxay noqotay arrin aan laga aamusi karin oo runtii qof walboo damiir leh taabaneysa ama gudaha ha joogo ama dibadda ha joogo.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, isagoo ay garab taagan yihiin xubno ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka.
“Arrintaasi marka, ragga halkan taagan iyo dad badanoo kaleba markii laga tashaday, waxaa noo soo baxday inaanan laga aamusi karin oo loo istaago oo sida ay tahay loogu istaago. Magaalada Muqdisho waxaan ku wada naqaanaa inay tahay magaalo ay dadkeedu dulqaad badan yihiin oo sabar badan yihiin, laakiin haddana haddii culeyska iyo dulmiga lagu badiyo taqaano, sida ay isaga riddo heeryada dulmiga. Marka waxaan joognaa meeshii buux-dhaafka, waadna la socotiin dadaa dhintay, dadaa dhaawacmay, boqolaal kun ayaa bannaanka taagan oo hoy la’aan ah. Guryaheenna waan joogi waynay, waan nasan waynay, qof aysan taabaneynin ma lahan, si gaar ah iyo si guudba. Marka arrintaas waxaan rabnaa in loo bannaanbaxo oo bannaanka loo soo istaago, si loo joojiyo dhul boobka iyo barakicinta Magaalada Muqdisho ka socdo.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.
Waxa uu sheegay in arrintani aysan siyaasad xiriir la lahayn, laakiin ay tahay arrin bani’aadantinimo iyo mid Islaamnimo, si looga dhiidhiyo in qof Muslim ahi hoygiisa laga barakiciyo, wuxuuna dadka reer Muqdisho iyo dadkii la barakiciyayba uu ugu yeeray inay maalinta Axadda ee 10-ka bishan isugu soo baxaan waddooyinka, si ay u qaataan xuquuqdooda oo guryahoodana ay dib ugu laabtaan.
“Arrintani siyaasad cilaaqo lama laha, waa arrin insaani ah, waana arrin Islaami ah, maxaa yeelay qof Muslim ah in hoygiisa laga barakiciyo oo aad ka aamustid, arrin sax ah ma ahan. Marka waxaan rabnaa dadka Magaalada Muqdisho iyo dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba, gaar ahaan dadkii la barakiciyay inay u soo baxaan, xuquuqdooda inay qaataan oo guryahooda ku laabtaan, maxaa yeelay sida lagu qaadayna si sharci ah ma ahayn, sida hadda ay wax ku socdaana waa si sii laba jibaareysa dhibaatooyinkii iyo duruuftii jirtay.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Shariifka ayaa intaasi ku daray “Arrintani uma baahna fasax, waa dastuuri, xuquuqda laga hadlayo ee xuquuqda bannaanbaxana waa dastuuri, hoy inuu leeyahay qofka u khalmana waa dastuuri, sida looga qaadayna hab si sharci ahna ma aha, bedelna looma helin, waadna ogtihiin sida dhulka iyo arrimihiisa loo maamulay Magaalada Muqdisho.”
Hawlgalka Cagafta ee lagu burburinayo guryaha la degan yahay ayaa kiciyay dareenka dadka reer Muqdisho, ka dib markii ay xoogeysatay qaylo dhaanta shacabka ka cabanaya in sifo aan sharci ahayn looga la wareegay guryahooda.