Home Wararka Maanta Iska horimaad xoogan oo ka dhacay Degmada Dayniile

Iska horimaad xoogan oo ka dhacay Degmada Dayniile

by Laacib

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa uu iska horimaad xoogan ka dhacay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadku uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo maleeshiyaad dadka deegaanka ah, oo ka horyimid hawlgalka burburinta ee laga wado degmadaasi.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in rasaas xoog badan ay caawa fiidkii ka dhacday xaafadda Warlaliska, isla-markaana ay weli xiisad ka taagan tahay xaafaddaasi.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhowr cisho ka hor hawlgal burburin ah ka bilaabay Warlaliska Dayniile, waxaana uu iska horimaadkan yimid, ka dib markii Ciidamada Dowladda ay weerareen maleeshiyaad dadka deegaanka ah oo ka horyimid in qayb ka mid ah xaafaddaasi la burburiyo.

Inta la ogyahay, ugu yaraan laba qof oo midi uu ilmo yar yahay ayaa ku dhintay iska horimaadkaasi, iyadoo laba kalena ay ku dhaawacmeen. Khasaaraha ayaana intaasi ka badan kara, maadaama uu iska horimaadku dhacay xilli habeen ah, khasaare aan la ogeyna uu soo bixi karo.

Dhanka kale ciidamada amniga ayaa Arbacadan Shaqaale Warbaahineed ku xiray Degmooyinka Xamar Jajab iyo Dayniile, iyadoo laga hor istaagayo tebinta wararka la xiriira ololaha dhul burburinta ee magaalada.

Shukri Caabi Cabdi iyo Cabdullaahi Cabdifitaax Siidow oo ka tirsan Warbaahinta Shabelle ayaa lagu xiray Degmada Xamar Jajab, halka Jacfar Maxamad Jimcaale iyo Nuur Xasan Cali oo ka hawlgala Kalsan TV lagu xiray Degmada Dayniile.

Tani ayaa waxay u muuqataa farriin bahda Saxaafadda loogu sheegayo inaanay ka warami karin qaylo dhaanta ay shacabku ka muujijinayaan ololaha sii xoogeysanaya ee lagu burburinayo guryahooda.

Wariyeyaasha ka hawlgala Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay caga-juglayn kala kulmayay laamaha amniga, si ay u joojiyaan wararka ay baahinayaan oo Dowladda Federaalka ay u aragtay kuwo lagu kicinayo dadka reer Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc