Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta doorasho isku sidkan ka qabtay 13 degmo oo ka kala tirsan Gobolada Shabellaha Hoose, Baay iyo Bakool ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddiga Doorashooyinka ayaa saakay furay goobaha codbixinta ee Degmooyinka Baraawe, Marka, Afgooye, Awdheegle, Wanlaweyn, Buurhakaba, Baydhabo, Berdaale, Diinsoor, Qansaxdheere, Xudur, Waajid iyo Ceelbarde.
Doorashadan ayaa waxaa si isku sidkan loogu tartamaya Kuraasta Golaha Deegaanka ee Degmooyinka iyo kuwa Golaha Wakiilada ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in doorashada loogu talagalay in hal maalin oo qura ay ku qabsoomto.
Gudoomiyaha ayaa doorashadan ku sheegay mid taariikhi ah, oo ku dhawaad 58 sano ka dib ay dadku ku codeynayaan sanaadiiqda codbixinta.
Illaa iyo hadda lama soo sheegin wax rabshado ah ama falal amni darro oo ka dhacay goobaha ay dadweynuhu codkooda ka dhiibanayaan.
Caqabadda ugu weyn ee doorashadan ay wajaheyso ayaa ah in ay codeynayaan tiro ka yar, dadkii isku diiwaangelisay doorashada ee qaatay kaarka codbixinta.
Baydhabo waa meesha codbixiyeyaasha ugu badan laga diiwaangeliyay, waana magaalada dadka ugu badan la filayo in ay ka codayn doonaan, inkastoo uu gaabis ka jiro goobaha codbixinta.
Cabdikariin Axmed Xasan, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Warbaahinta kula hadlay Baydhabo ayaa sheegay natiijada horudhaca ah ee doorashada inay ku dhawaaqi doonaan 24-ka saac ee soo socda.
Doorashada Koonfur Galbeed ayaa muhiim u ah Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waana jidka ay ku xaqiijineyso hirgelinta qorshaha ay doorashada qofka iyo codka ku gaarsiineyso dalka.
