Home Wararka Maanta Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay mudaaharaadka laga carqaladeeyay

Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay mudaaharaadka laga carqaladeeyay

by Laacib

Shariif Sheekh Axmed, Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliya ayaa Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inay carqaladeysay bannaanbaxa ay qorsheeyeen inay maanta ka dhigaan Magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa asteeyay 22 goobood oo ay sheegeen inay bannaanbaxa ka qaban doonaan, halka Maamulka Gobolka Banaadir uu ogolaaday in bannaanbaxa lagu qaban karo oo keliya Garoonka Kubadda Cagta ee Enjineer Yariisow, inkastoo Hoggaamiyaha Mucaaradka uu sheegay inay markii dambe aqbaleen inay isugu taggaan garoonkaasi, laakiin ay ka dhaqaaqi waayeen ciidamada amniga oo uu ku eedeeyay inay waddooyinka xireen.

“Inkastoo ay dad badan ku fogeyd garoonkaasi, haddana annagoo waxyaabo badan fiirinayna waxaan aqbalnay arrintaas. Arrintii iyada ahayd sida aad la socotiin ma dhicin, sababta ay u dhici weysana ballan fur ka yimid dhinaca dowladda oo keenay dadkii inay dhaqaaqi waayaan, jidgooyooyin loo sameeyo, jirdil lagu sameeyo, moobeeladana laga qaato. Kuwii ay u suurtagashay inay soo gaaraan garoonkana dhexdiisa lagu garaaco oo marqaati leh oo muuqaal laga duubay, kuwii kale ee bannaanka joogayna la dhibaateeyay oo la jirdilay.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Mucaaradka.

Wuxuu sheegay in ciidamada amniga ay dileen dad shacab ah oo isugu soo baxay Degmooyinka Dayniile iyo Kaxda, kuwo kalena ay dhaawaceen, inkastoo aanu faah faahin tirada dhimashada iyo dhaawaca, wuxuuse sheegay in dadka dhintay ay dishay gacan ka xaqdaran, maalin uuna lala xisaabtami doono.

“Runtii aad ayaan uga xunahay dadaal kasta oo aan bixinay inaanu dhiig daadan oo dhib shacabku soo gaarin, laakiin waa la iska dhega tiray. Runtii waxaa quruur, kibir iyo isla weyni ku dilay nidaamka hadda jira, hubka iyo ciidamada loogu talagalay in dalka lagu difaaco, Shabaab-na looga badbaadiyo dalka inay u isticmaalaan shacabkooda oo ay ku dhibaateeyaan.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo intaasi ku daray in ciidamadu ay xabsiga dhigeen illaa 50 qof, oo ay ku jiraan sida uu yiri dad horjoogeyaal ka ahaa bannaanbaxa iyo weliba Wariyeyaal.

“Dadka Soomaaliyeed waxay muujiyeen dulqaad, inay u dulqaataan cadaadiska, dhibaatooyinka iyo jidgoogooyinka faraha badan leh, laakiin maanta waxay taagan tahay meel nidaamka hadda jira uu is qaawiyay. Marka hore wuxuu isku qaawiyay boobka hantida shacabka ama hantida qaranka, haddana wuxuu isku qaawiyay xuquuqda mudaaharaadka iyo xuquuqda hadalka.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo Warbaahinta la hadlay.

Shariifka ayaa ku goodiyay inay sii wadi doonaan bannaanbaxa, illaa iyo inta dadkii la barakiciyay ay guryahooda dib uga soo laabanayaan.

Laamaha amniga ayaa xalay ciidamo ku soo daadiyay waddooyinka caasimadda, iyadoona saakay lagu biiriyay ciidamo hor leh, si looga hortago in bannaanbuxu uu noqdo mid magaalada oo dhan ah.

Laamaha amniga ayaa juhdi badani ku bixiyay, sidii loo xakamayn lahaa dibadbaxayaasha, maadaama ay jiraan shacab fara-badan oo ka carreysan in si aan sharci ahayn looga la wareegay hantidooda maguurtada ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc