Home Wararka Maanta Saraakiisha Villa Somalia u dirtay Dhuusamareeb oo la kulmay Taliyaha Qaybta 21aad (SAWIRRO)

Saraakiisha Villa Somalia u dirtay Dhuusamareeb oo la kulmay Taliyaha Qaybta 21aad (SAWIRRO)

by Laacib

Wafdigan oo ka kooban Saraakiil uu hoggaaminayo Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa Sabtidii gaaray Magaalada Dhuusamareeb, ka dib markii khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) dhowr cisho ka hor si weyn looga dareemay magaaladaasi.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta booqday Xarunta Taliska Qaybta 21aad ayaa halkaasi kula kulmay Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamed Cabdi Daahir (Maxamed Dhagaweyne) iyo Kaaliyeyaashiisa, isagoona kala hadlay, sidii gacanta loogu qaban lahaa amniga Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Taliyaha Qaybta 21aad ayaa Khamiistii ka cudurdaartay in ay Ciidamada Militariga la wareegaan amniga magaalada, ka dib amar uu ka helay Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Magaalada Muqdisho. Taliyaha ayaana ku baaqay in khilaafka siyaasadeed lagu xaliyo wada hadal, isagoona ka digay tallaabo kasta oo ay kula wareegayaan amniga magaaladaasi inay wiiqi karto hannaanka siyaasadeed, geeddi-socodka xilliga kala guurka Galmudug, wadajirka dadka deegaanka iyo amniga ay haystaan.

General Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulanka ay ku wehlinayeen Saraakiil ka tirsan Booliska iyo Hay’adda Nabad Sugidda Galmudug ayay wararka sheegayaan inay Taliska Qaybta 21aad weydiisteen in ay marka hore kala shaqeeyaan, sidii uu xilka kula wareegi lahaa Korneyl Maxamed Daahir Cabdulle, kaas oo dhawaan uu Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u soo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Booliska Galmudug, walow uu Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu ka horyimid magacaabiddaasi, isagoona dib u soo magacaabay Korneyl Khaliif Cabdulle Maalin, oo sanadihii u dambeeyay ahaa Taliyaha Booliska Galmudug.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in General Kaniif uu sidoo kale Taliyaha Qaybta 21aad ku booriyay in isaga iyo Saraakiisha ka hoos shaqeysa ay laamaha amniga ka gacan siiyaan nabadgelyada magaalada iyo doorashada qofka iyo codka ee billaha June iyo July laga qabanayo deegaanada Galmudug.

Madaxtooyada Somaliya ayaa waxay walaac xoog leh ka qabtaa in Madaxweyne Qoorqoor uu carqaladeeyo Doorashada Golaha Deegaanka iyo tan Baarlamaanka ee lagu wado inay Galmudug ka qabsoomto 20-ka June iyo 2-da July, iyadoo Doorashada Hoggaanka Galmudug la muddeeyay in la qabto 9-ka bishaasi July.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa doonaya in mar labaad uu xafiiska ku soo laabto, halka Dowladda Federaalka ay jegadaasi u waddo shakhsi kale, waana halkaas meesha uu is gefkoodu ka jiro.

Dad badan oo ku nool Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka baqdin qaba in khilaafka siyaasadeed ee xiisadda ka abuuray magaaladaasi uu gacan ka hadal isku bedelo.

Korneyl Maxamed Dhagaweyne ayaa jeclaan lahaa in ay dhinacyadu maareeyaan khilaafka siyaasadeed ee soo kordhay, iyadoo aanu militarigu kuba milmin arrimaha siyaasadda ee la isku hayo.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku guuleysatay in inta badan Saraakiisha Booliska iyo Nabad Sugidda Galmudug ay ka baxaan garabka Madaxweyne Qoorqoor, waxayna Villa Somalia ay caqabadda hortaagan u aragtaa taageero la’aanta militariga degan Dhuusamareeb.

Korneyl Dhagaweyne ayaa laga yaabaa in uu bedelo mowqifkiisa dhexdhexaadnimada, marka aad eegto in uu kordhayo culeyska uga imanaya dhinaca Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc