Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaalka deegaanka Basra

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka deegaanka Basra

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa hawlgal sifayn ah ka wada deegaanka Basra oo ku yaala xadka kala qaybiya Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa illaa Sabtidii agagaarka jiinka Webiga Shabelle ee deegaanka Basra kula dagaalamayay maleeshiyada Al Shabaab, iyadoona la soo sheegayo in weli ay dagaalo goos goos ah ka socdaan aagga qarka uu maro webiga ee deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay la wareegeen inta badan goobihii lagu dagaalamay, isla-markaana ay wadaan guluf ballaaran oo haraadiga Shabaab ay uga saarayaan godadka ay horey uga qoteen halkaasi.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamadu ay si buuxda isugu fidinayaan dhulka hawdka ee ku xeeran hareeraha dhulka uu webigu maro, oo la doonayo in laga ciribtiro maleeshiyada Al Shabaab.

Basra waa deegaan istiraatiiji ah oo xiriiriya Magaalooyinka Afgooye iyo Balcad, waana goob ay Shabaabku u adeegsadaan inay isaga kala gudbaan Labada Shabelle.

Deegaanka istiraatiijiga ah ee Basra ayaa muhiim u ah sugidda amniga iyo isu socodka Shabellooyinka iyo duleedka Magaalada Muqdisho.

Hawlgalka ay ciidamadu ka wadaan Basra ayaa u muuqdo mid lagu xasillinayo amniga deegaankaasi, isla-markaana looga suulinayo kooxaha argagixisada.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kuu sheegaya in qorshuhu uu yahay in ciidamadu ay deggaan deegaankaasi, iyadoo laga hortagayo in Shabaabku ay ku soo laabtaan amaba ay u adeegsadaan goob ay ku dhuuntaan.

Hawlgalada ay horey ciidamadu uga fuliyeen deegaanka ayaa waxay inta badan ku dhamaan jireen dhameystir la’aan, iyagoo aan si joogta ah u degi jirin deegaankaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc